Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galay furitaanka kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Jabuuti

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Arxanlaawe qiil ma leh (Warbixin)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xarunta Baarlamaanka Wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxaa ka dhacay kulan lagu furayay kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana Soomaaliya uga qeyb galay wafdi Xildhibaanno ah oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo shalay soo gaaray Dalkan Jabuuti.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumud oo ugu horeyn  kulanka furitaanka kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Dalka Jabuuti ka hadlay ayaa sheegay in waxyaabo badan ay u qabsoomeen kalfadhigii kan ka horeeyay iyo howlaha kalfadhigan horyaala.

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Ethiopia oo isna ka mid ahaa martidii furitaanka kalfadhigan lagu casuumay ayaa sheegay Inuu ku faraxsanahay inuu goob joog ahaado furitaanka kalfadhiga u furmay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti, sidoo kalena waxa uu sheegay in ay muhiimtahay  wada shaqeynta Baarlamaanada Dalalka Jabuuti,Soomaaliya iyo Eithiopia.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Dalka Jabuuti ayaa ugu horeyn si qoto dheer uga hadlay xiriirka walaaltinimada iyo wax wada qaybsiga ku dhisan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti gaar ahaan iskaashiga labada Baarlamaan.

Guddoomiyaha Golaha ayaa ka hadlay mas’uuliyadda ka saaran qofka Xildhibaanka ah dalkiisa guud ahaan gaar ahaan deegaanka laga soo doortay oo ay tahay marka uu fasaxa galo Inuu u kuur galo xaaladaha deegaankiisa ka jira si warbixinta uu kasoo diyaariyo uu dib ugu soo celiyo Golaha Baarlamaanka, waxaana uu tilmaamay in horumarka dal walba uu ku xiranyahay sida dadkiisu ay uga faa’ideystaan waxa uu Alle ku maneystay iyo sidoo kale maareeynta Kheyraadkooda.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu kalfadhigii la soo dhaafay ku guuleystay ansixinta shuruuc dalka muhiim u ah oo uu ka mid yahay sharciga Doorashooyinka oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu saxiixay.

Ugu dambeyn waxa aad u amaanay Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti dadaaladeedii ku aadanaa horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya iyo garab istaageeda. isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay ciidanka Hiilwalaal ee qeybta howlgalka AMISOM, Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladoodana aysan weligood iloobi doonin Abaalkii ay u galeen walaalahooda Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Hiilka walaaltinimo ee Ciidanka Hiilwalaal, isagoo horumar kan kasii balaaran u rajeeyay shacabka Jabuuti iyo Dowladooda.

 

 

Previous Post

Guddoonka labada Aqal ee BJFS oo magacaabay guddi dhameystiraya Sharciga doorashooyinka Qaranka

Next Post

Dood ku saabsan ka qeyb galka siyaasadda ee dhallinyarada iyo Haweenka oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Bulshada Soomaaliyeed ee Uganda ku dhaqan oo taageeray waxqabadka dowladda

Dood ku saabsan ka qeyb galka siyaasadda ee dhallinyarada iyo Haweenka oo lagu qabtay Muqdisho

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

March 9, 2026
0

Magalada Muqdisho ayaa martigelisay munaasabad lagu daahfurayay Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya, taas oo si wadajir ah u...

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

March 9, 2026
0

Dekedda Weyn ee Muqdisho ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha International Association of Ports and...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In