Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Dhiggiisa Dalka Kuwait “SAWIRRO”  

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Dhiggiisa Dalka Kuwait “SAWIRRO”  

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo dalka Masar uga qeybgalay shirka madaxda Baarlamaannada dowladaha Carabta ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa dalka Kuwait.

Kulankan oo ka dhacay qasriga Neyl ee uu Guddoomiye Jawaari ka degan yahay magaalada Qaahira ayey labada Guddoomiye Baarlamaan uga wada hadleen xiriir, iskaashi iyo wada shaqeyn dhex marta Baarlamaannada Soomaaliya iyo Kuwait.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Kuwait Marzouq Ali Alghanim oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyey guullihii ugu dambeeyey ee uu ku tallaabsaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya gaar ahaanna dhinaca sharci dejinta oo ah shuruucdii ugu dambeysay ee uu Baarlamaanka ansixiyey sida sharciga maalgashiga shisheeye iyo ka hortaga lacag dhaqidda waxaana uu dhankiisa sheegay in uu diyaar u yahay abuurista iskaashi iyo wada shaqeyn ay yeeshaan labada Baarlamaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”oo isna ugu dambeyn kulanka ka hadlay ayaa dhankiisa tilmaamay in uu diyaar u yahay wada shaqeyn iyo iskaashi uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la yeesho Baarlamaanka dalka Kuwait, sidoo kalena waxa uu uga mahad celiyey bogaadinta loo sameeyey Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada Guddoomiye Baarlamaan ayaa qalinka ku wada dugay wada shaqeyn iyo wax wada qabsi waxaana uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ka guddoomay Guddoomiyaha Baarlamaanka Kuwait Marzouq Ali Alghanim casuumaad loo fidiyey ayadoo si loo dhaqan geliyo waxyaabihii lagu ballamayna ay dhowaan wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya booqasho ku tegi doonaan dalka Kuwait.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
Previous Post

Maamulka Galmudug oo lagu wareejiyay Gaadiid dagaal, hub iyo ciidan+Sawirro

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ganacsatada Turkiga ku dhiirigeliyay inay maalgashadaan Soomaaliya+Sawirro

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ganacsatada Turkiga ku dhiirigeliyay inay maalgashadaan Soomaaliya+Sawirro

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ganacsatada Turkiga ku dhiirigeliyay inay maalgashadaan Soomaaliya+Sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In