Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Ali Ahmed by Ali Ahmed
2 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo xiray shirweynaha seddaxaad ee culimada Soomaaliyeed oo sedaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday Magaaladda Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka oo khudbad ka jeediyey xiritaanka shirka ayaa marka hore u mahadceliyey culimada Soomaaliyeed ee ka qeyb galay shirkan maalmihii uu socday.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Mar uu ka hadlayey muhiimadda shirka uu u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu sheegay in mar hore loo baahnaa in culimada Soomaallyeed ay isu yimaadaan, si khawaariijta baneysatay daadinta dhiiga umadda Soomaaliyeed ficiladooda guracan dadka loogu iftiimiyo loona ciribtiro.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa culimada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay tagaan meelaha laga xorreeyo khawaariijta si ay u wacyigeliyaan dadka deegaanadaasi ku nool, maadaama khawaariijta ay isku dayaan in ay dadka ka dhaadhiciyaan waxyaabo aan diinteena suuban iyo dhaqankeenaba sal ku laheyn.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in Baarlamaanka labadiisa aqal uu ka shaqeyn doono dhisida hay’adda culimada Soomaaliyeed, maadaama ay muhiim tahay.

Shirka sedaxaad ee culimada Soomaaliyeed oo mudo sedax maalmood ah socday, waxaa ka qeyb galay culimo Soomaaliyeed oo isaga kala yimid gudaha dalka iyo dibadda iyo aqoonyahano, waxaana xiritaankiisa sidoo kale goobjoog ahaa wasiiro, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka dalka, Safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Safiirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee Soomaaliya, Hantidhowraha Guud ee Qaranka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana mowduuca shirka ee sanadkan uu ahaa wadajirka bulshada iyo xasiloonideeda.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Next Post

Wasiirka Tamarta XFS “ waxaa noo qorsheysan mashruuca koronto galinta ee goobaha caafimaadka iyo kuwo waxbarashada”

Next Post
Wasiirka Tamarta XFS “ waxaa noo qorsheysan mashruuca koronto galinta ee goobaha caafimaadka iyo kuwo waxbarashada”

Wasiirka Tamarta XFS “ waxaa noo qorsheysan mashruuca koronto galinta ee goobaha caafimaadka iyo kuwo waxbarashada”

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In