Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamanka F. S. oo la kulmay saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamanka F. S. oo la kulmay saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha  Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya  ayaa  kulan  la qaatay  saaraakiil ka tirsan ciidanka  Booliska  Soomaaliya,  kuwaas  oo  tababar  aqoon kororsi ah  uga socdo magaalada  Muqdisho.

Kulankan guddoomiyaha Baarlamanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” uu la qaatay saraakiisha booliiska ee gobollada dalka ayaa looga hadlay, sugidda amniga iyo ilaalinta midnimada booliiska Soomaaliyeed oo loola jeedo ineysan saameyn ku yeelan siyaasadaha ka jira gobollada dalka.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Taliyaa ciidanka Booliiska Soomaaliye S/Gaas Maxamed Sheekh Xaan Xaamud ayaa guddoomiye Jawaari warbixin ka siiyay qorshaha horumarineed ee lagu tayeeynayo ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha baarlamanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo kulanka ka hadlay ayaa kula dardaarmay saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iney ka shaqeeyaan isku xirnaanta ciidanka booliiska Soomaaliyeed , taasoo sida uu xusay qeyb ka qaadaneysa gudashada waajibaadka loo igmaday ciidanka Booliiska.

S/Guuto Axmed Dayib “Dhegacaleen” oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Booliiska ayaa Radio Muqdisho u sheegay in guddoomiyaha Baarlamanka uu codsaday in uu la kulmo saraakiisha ciidanka, waxaana looga hadlay waajibaadka ciidanka iyo sidii loo fulin lahaa howlaha laga sugayo.

“Gudoomiyaha baarlamanka ayaa codsaday in uu la kulmo saraakiisha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee halkan ku kulansan, wuxuuna kala hadlay fulinta waajibaadka ciidanka iyo midnimada booliiska si uusan ciidanku u noqon mid meel ku xayiran” ayuu yiri S/Guuto Axmed Dayib “Dhegacaleen”.

Previous Post

Diyaargarowgi ugu dambeeyay ee Ciidul-fidriga oo ka socda dalka

Next Post

R/wasaaraha dalka oo Garowe kula kulmay saraakiil ka gadoodday maamulka Puntland

Next Post
R/wasaaraha dalka oo Garowe kula kulmay saraakiil ka gadoodday maamulka Puntland

R/wasaaraha dalka oo Garowe kula kulmay saraakiil ka gadoodday maamulka Puntland

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In