Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan oo si rasmi ah maanta xilka ula wareegay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan oo si rasmi ah maanta xilka ula wareegay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad xilka loogu wareejinayo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan C/llaahi Axmed Maalin Sufurow ayaa maanta waxay ka dhacday magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro,Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabelle iyo Bulshada qeybaheeda kala duwaan, kuwaasi oo Guddoomiyaha cusub ku booriyay inuu la yimaado aragti lagu horumarin karo Bulshada Gobolka Hiiraan.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Munaasabadda oo ka dhacday magaalada Baladweyne ayaa waxaa ka hadlay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada,kan Gobolka,siyaasiyiin iyo Bulshada rayidka ah,waxayna dhammaantood isku raaceen iney la shaqeynayaan Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan C/llaahi Axmed Maalin Sufurow oo ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in muhiimada koowaad uu siin doono dib u heshiisiinta,dhageysiga iyo horumarinta deegaanka.

“ Waxaan idin balan qaadeynaa gaar ahaan haddaan koox u helno iyo haddii kaleba reer Hiiraan waxay u baahan yihiin dib u heshiisiin dhab ah mid xuduudaha mid deegaanada,mid dhaqanka iyo deriseynta ah intaba,waxaan balan qaadayaa inaan iyadaasi shaqada ka bilaabo,” ayuu yiri Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan C/llaahi Axmed Maalin Sufurow.

Ugu danbeyntii ayaa waxaa munaasabada ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle,wuxuuna sheegay in si rasmi ah laga bilaabo hadda uu Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan xilka ula wareegay waxna laga weydiin doono wixii qaldama.

Sidoo kale,Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa faray Hay’adaha amaanka sida Booliska,NISA iyo Ciidanka Xoogga dalka Gobolka Hiiraan iney hadda wixii ka danbeeya ay ka amar qaataan Guddoomiyaha cusub kuna shaqeeyaan amarkiisa.

Previous Post

AMISOM evaluates its transition plan for Somalia

Next Post

Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray Taliska qeybta guud ee Booliska G/banaadir oo howlo dib u dayactir ay ka socdaan “Sawirro”

Next Post
Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray Taliska qeybta guud ee Booliska G/banaadir oo howlo dib u dayactir ay ka socdaan “Sawirro”

Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray Taliska qeybta guud ee Booliska G/banaadir oo howlo dib u dayactir ay ka socdaan “Sawirro”

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In