Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa oo dib u habeyn ku sameeyay xarunta Degmada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Degmada Heliwaa oo dib u habeyn ku sameeyay xarunta Degmada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa ku guuleystay in uu dib u habeyn ku sameeyo xarunta Degmada Heliwaa, isago oo kaashanaya shacabka ku nool Degmada.

Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in tallaabadan ay muujineyso wada shaqeynta shacabka iyo maamulka Degmada ka dhexeyso, waxaana uu xusy in uu laba laabi doono howlo dib loogu soo celinayo bilicda Degmada.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

“Waxaan ku guuleystay in aan dib u soo celiyo bilicda xarunta Degmada Heliwaa, aniga oo kaashanaya shacabka ku nool Degmada, waxaana ku rajo weynahay in aan dib u soo nooleeyo xarumaha danta guud ee ku yaala Degmada, si loogu adeego bulshada deegaankan ku nool”ayuu yiri Guddoomiye Cabdixakiin.

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa ka codsaday Madaxda Qaranka iyo kuwa maamulka Gobolka Benaadir inay garab istaagaan maamulkiisa si loo soo nooleeyo rajada shacabka ku nool degmada Heliwaa oo haatan ay ka muuqato kuwa u heelan inay ka qeyb qaatan dib u dhiska Degmada.

Degmada Heliwaa oo ka mid ah Degmooyinka ku yaala daafaha magaalada ayaa maamulka Degmadaas waxa uu ku guuleystay hirgelinta waddooyin cusub, jarista geed yahuudka oo dhibaato ku ah amniga, bilic soo celinta iyo dib u habeynta xarunta maamulka oo lagu xardhay hal ku dhigyo ka turjumaya horumarka, dib u dhiska iyo ka shaqeynta amniga.

Previous Post

Horseed Oo U Dhawaatay Hogaanka Horyaalka

Next Post

Maxaa Iska Badalay Kala Horeynta Horyaalka Dalkaada

Next Post
Maxaa Iska Badalay Kala Horeynta Horyaalka Dalkaada

Maxaa Iska Badalay Kala Horeynta Horyaalka Dalkaada

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In