Maamulka Degmada Heliwaa ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha ugu horeyso ee uu wax ka qabanayo ay tahay xoojinta Nabadgelyada, dib u soo celinta bilicda iyo dib u habeynta Nalalka cadcceedda ku shaqeeya, si degmada ay u noqoto hormuudka degmooyinka gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in tan iyo markii uu xilka la wareegay in uu kulamo gaar gaar ah la qaatay qeybaha bulshada ayna u soo gudbiyeen cabashooyin ah in uu wax kaga qabto kan maamul ahaan, uuna arrintaasi ku dhaqaaqi doono.
Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa tilmaamay in ahmiyadda koowaad uu siinayo xoojinta amniga iyo dib u habeynta Nalalka cadceedda ku shaqeya, maadaama ay u baahanyihiin dib u habeyn, ayna jiraan kuwa aan shaqeyn iminka.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha degmada Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa ugu baaqay shacabka degmada inay xoojiyaan la shaqeynta laamaha amniga, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana uu balan qaadayo in uu la yimaado isbadal buuxda.
Cabdixakiin Cumar Cabdulle Guddoomiyaha degmada Heliwaa ayaa dhawaan la wareegay xilka Degmada, waxaana horyaalla howlo muhiim ah oo ay ka midtahay xoojinta amniga oo uu balan qaaday.