Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Degmada Hiliwaa oo shaaca ka qaaday in ahmiyadda koowaad uu siinayo amniga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 14, 2017
in Wararka
0
Guddoomiyaha Degmada Hiliwaa oo shaaca ka qaaday in ahmiyadda koowaad uu siinayo amniga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha degmada Hiliwaa CabdixakiinMaamulka Degmada Heliwaa ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha ugu horeyso ee uu wax ka qabanayo ay tahay xoojinta Nabadgelyada, dib u soo celinta bilicda iyo dib u habeynta Nalalka cadcceedda ku shaqeeya, si degmada ay u noqoto hormuudka degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in tan iyo markii uu xilka la wareegay in uu kulamo gaar gaar ah la qaatay qeybaha bulshada ayna u soo gudbiyeen cabashooyin ah in uu wax kaga qabto kan maamul ahaan, uuna arrintaasi ku dhaqaaqi doono.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa tilmaamay in ahmiyadda koowaad uu siinayo xoojinta amniga iyo dib u habeynta Nalalka cadceedda ku shaqeya, maadaama ay u baahanyihiin dib u habeyn, ayna jiraan kuwa aan shaqeyn iminka.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha degmada Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa ugu baaqay shacabka degmada inay xoojiyaan la shaqeynta laamaha amniga, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana uu balan qaadayo in uu la yimaado isbadal buuxda.

Cabdixakiin Cumar Cabdulle Guddoomiyaha degmada Heliwaa ayaa dhawaan la wareegay xilka Degmada, waxaana horyaalla howlo muhiim ah oo ay ka midtahay xoojinta amniga oo uu balan qaaday.

Previous Post

Mareykanka oo khafiifiyay cunaqabteynii saarneyn Suudaan

Next Post

Guddoomiyaha xarunta Dhiirigelinta Haweenka Soomaaliyeed oo ka warbixisay howlaha ay qabtaan “Dhageyso”

Next Post
Guddoomiyaha xarunta Dhiirigelinta Haweenka Soomaaliyeed oo ka warbixisay howlaha ay qabtaan “Dhageyso”

Guddoomiyaha xarunta Dhiirigelinta Haweenka Soomaaliyeed oo ka warbixisay howlaha ay qabtaan "Dhageyso"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In