Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha degmadda Kaxda oo Sheegey in afurinta danyarta lagawada qeybqaato.

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha degmadda Kaxda oo Sheegey in afurinta danyarta lagawada qeybqaato.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka degmadda kaxda ee gobalka Banaadir ayaa faahfaahiyey howlaha lagu afurinayo dadka danyarta ee ku dhaqan degmadda xilli lagu gudo jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Gudoomiyaha degmadda Kaxda ee Gobolka Banaadir  Maxamed Ismaaciil oo la hadley Radio Muqdisho codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Sheegey iney meel wanaagsan Marayaan howlaha lagu afurinayo dadka danyarta ee ku dhaqan degmada, isagoo sheeegey ineysan ku filneyn deeqaha soo gaarey degmadda iyo baahiyaha dadka ay qabaan.

Maxamed Ismaaciil ayaa sheegey in hadda deeqahan ay ka faa’iideysteen dad badan oo danyar oo ku  dhaqan degmadda isagoona u mahadceliyey dhamaan hay’adaha iyo shaqsiyaadka arimahaasi dadkan ka caawiyey, waxaana uu kusii darey  iney sii laba jibaaraan dhamaan dadka wax haysta iyo hay’adaha deeqaha bixiya howlaha dadka danyarta ah lagu afurinayo.

Dadkan ayaa u badan kuwo kasoo barakacay goboladda Sh/hoose iyo Bay halkaas oo ay dhibaaatooyin badan ugu geysteen Maleeshiyaadka Al Shabaab qaarkoodna  ka dhaceen Xoolihii ay dhaqan jireen.

Dhankale gudoomiyaha degamadda Kaxda Maxamed Ismaaciil ayaa tilmaamay intii la guda galey Bisha Ramadaan ay ka socdaan degamadda Barnaamijka Isxilqaan ee uu Madaxweynaha dalka iclaamiyey laguna dhisayo xarumaha danta guud, isagoo sheegey in arintaa ay ku dhisayaan hada ilaa iyo 7 Waddo oo degmadda gudaheeda ah iyo goobaha kale ee danta guud.

Ugu dambeyn maamulka degmadda Kaxda ayaa ugu baaqey dhammaan qeybaha bulshada iyo jaaliyada kasoo jeeda degmadda iney kaalintooda ka qaataan waxkasta oo horumarin iyo amni ee degmadda ku saabsan.

Previous Post

Tartamayaasha Kaxda oo soo tiigsaday wareegga 2aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed oo bilaawday howlgalo ka dhan ah argagixisada Al-shabaab

Next Post
Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed oo bilaawday howlgalo ka dhan ah argagixisada Al-shabaab

Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed oo bilaawday howlgalo ka dhan ah argagixisada Al-shabaab

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In