Thursday, May 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Kaxda oo soo tiigsaday wareegga 2aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Kaxda oo soo tiigsaday wareegga 2aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa labo iyo tobnaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Boosaaso iyo Kaxda oo ka kala tirsan Gobollada Bari iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026

Tartameyaasha labada degmo ee Boosaaso iyo Kaxda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Boosaaso

Tartameyaasha Degmada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Boosaaso ay heleen waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Kaxda

Tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Boosaaso, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaxda waxay noqotay Labo iyo toban dhibcood (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 12aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 13aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona Degmooyinka Waaberi iyo Xudur oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Bakool.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shir ay yeesheen Hay’adaha Amniga Dalka iyo Dowladaha Amniga Ka Taageera DFS

Next Post

Guddoomiyaha degmadda Kaxda oo Sheegey in afurinta danyarta lagawada qeybqaato.

Next Post
Guddoomiyaha degmadda Kaxda oo Sheegey in afurinta danyarta lagawada qeybqaato.

Guddoomiyaha degmadda Kaxda oo Sheegey in afurinta danyarta lagawada qeybqaato.

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacab iyo masuuliyiin kula...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo,...

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime...

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hambalyo u dirtay dhammaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In