Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha  Dhuusamareeb oo Kormeer ku maray  deegaannada dhaca jihada galbeed ee Caasimada SAWIRRO

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha  Dhuusamareeb oo Kormeer ku maray  deegaannada dhaca jihada galbeed ee Caasimada SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa Kormeer ku soo maray  ilaa Shan deegaan oo dhaca jihada galbeed ee Caasimada, kormeerka  ayaa la xiriiray sidii bulshada loogu baraarujin lahaa ka qayb qaadashada dagaalka lagula jiro argagaxisada iyo sidii maamulku u dhageysan lahaa soo jeedinta dadwaynaha ee kor u qaadida adeegyada bulshada sida, Caafimaadka, biyaha iyo Waxbarashada.

Odayaasha deegaanada, Balicad, Kax, tuur-libaax, Qanboob iyo Yucub Bohole ayaa maayarka kala hadley baahiyaha u gaarka ah deegaan walba ayaa balan qaaday in ay Ka qayb qaadanayaan xoojinta amniga.

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

Guddoomiyaha Deegaanka Balicad, Liibaan Axmed Dhoore oo si gaar ah u xusey caqabada ugu weyn ee bulshada heysta, ayaa sheegay in deegaanadaasi laga qaadey Ciidamo ka tirsan Booliiska oo ka howlgali jiray isla markaana ay codsi u yihiin in ay helaan cid kala shaqeysa amaanka deegaanka.

Xildhibaan Qadar Juun Barre oo kormeerkan qayb ka ahaa ayaa bulshada deegaanadan udiray fariin la xiriirta in ay gacan ku siiyaan amaanka Ciidamada kusugan furimaha hore iyo kuwa ku howlan illaalinta amaanka wadooyinka halbowlaha ah.

Ugu dambeyn maayarka Degmada Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow oo ka jawaabaya dalabka dadwaynaha uu la Kulmey ayaa balan qaadey in maamulku fullinayo Mas’uuliyada amaanka ee shacabkan, taas badalkeedana ay muhiim tahay in bulshadu taageerto Geesiyada ku howlan amaankooda har iyo habeenba.

Previous Post

Madaxweynaha Afghanistan oo sheegay in ay u socdaan wada hadallo lagu joojinaayo dagaalda

Next Post

Wafdi uu  hogaminayo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle oo gaaray Balad weene SAWIRRO

Next Post
Wafdi uu  hogaminayo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle oo gaaray Balad weene SAWIRRO

Wafdi uu  hogaminayo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle oo gaaray Balad weene SAWIRRO

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In