Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha  Dhuusamareeb oo Kormeer ku maray  deegaannada dhaca jihada galbeed ee Caasimada SAWIRRO

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha  Dhuusamareeb oo Kormeer ku maray  deegaannada dhaca jihada galbeed ee Caasimada SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa Kormeer ku soo maray  ilaa Shan deegaan oo dhaca jihada galbeed ee Caasimada, kormeerka  ayaa la xiriiray sidii bulshada loogu baraarujin lahaa ka qayb qaadashada dagaalka lagula jiro argagaxisada iyo sidii maamulku u dhageysan lahaa soo jeedinta dadwaynaha ee kor u qaadida adeegyada bulshada sida, Caafimaadka, biyaha iyo Waxbarashada.

Odayaasha deegaanada, Balicad, Kax, tuur-libaax, Qanboob iyo Yucub Bohole ayaa maayarka kala hadley baahiyaha u gaarka ah deegaan walba ayaa balan qaaday in ay Ka qayb qaadanayaan xoojinta amniga.

Related posts

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026

Guddoomiyaha Deegaanka Balicad, Liibaan Axmed Dhoore oo si gaar ah u xusey caqabada ugu weyn ee bulshada heysta, ayaa sheegay in deegaanadaasi laga qaadey Ciidamo ka tirsan Booliiska oo ka howlgali jiray isla markaana ay codsi u yihiin in ay helaan cid kala shaqeysa amaanka deegaanka.

Xildhibaan Qadar Juun Barre oo kormeerkan qayb ka ahaa ayaa bulshada deegaanadan udiray fariin la xiriirta in ay gacan ku siiyaan amaanka Ciidamada kusugan furimaha hore iyo kuwa ku howlan illaalinta amaanka wadooyinka halbowlaha ah.

Ugu dambeyn maayarka Degmada Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow oo ka jawaabaya dalabka dadwaynaha uu la Kulmey ayaa balan qaadey in maamulku fullinayo Mas’uuliyada amaanka ee shacabkan, taas badalkeedana ay muhiim tahay in bulshadu taageerto Geesiyada ku howlan amaankooda har iyo habeenba.

Previous Post

Madaxweynaha Afghanistan oo sheegay in ay u socdaan wada hadallo lagu joojinaayo dagaalda

Next Post

Wafdi uu  hogaminayo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle oo gaaray Balad weene SAWIRRO

Next Post
Wafdi uu  hogaminayo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle oo gaaray Balad weene SAWIRRO

Wafdi uu  hogaminayo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle oo gaaray Balad weene SAWIRRO

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood ah oo ay yeesheen Madaxweynaha...

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta mar kale khudbad ka jeedisay shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In