Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha G/Shacabka Oo shir Guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 7-aad Ee BJFS

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha G/Shacabka Oo shir Guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 7-aad Ee BJFS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 7-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka maanta oo ajandihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee hindisa sharciyeedka cunaqabataynta maaliyadeed ee cayiman, iyo warbxinta xildhibaannada deegaan doorashooyinkoodu ugu maqnaa ka xorreynta kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa xildhibaannadda Golaha Shacabka warbixin ka siiyey hindise sharciyeedka cunaqabatayn maaliyadeed ee cayiman. Wasiirka ayaa sharraxaad ka bixiyay muhiimadda sharcigan inuu dalka wax ka bedeli karo nidaamka maaliyadeed ee dalka. Xildhibaannadda Golaha Shacabka ayaa iyagana waxay soo jeediyeen in dib loo saxo qaladaad ka jiray buugga loo qeybiyay Golaha.

Dhanka kale Xildhibaannada qaar ee Golaha Shacabka, ayaa ka warbixiyay xaalada deegaan doorashooyinkooda kuwaaso kala matalaayay Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, iyagoo sheegay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah argagaxisada lana gaarsiiyo gargaar deegaannada la xorreeyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray,ayaa soo jeediyay in guddi loo saaro arrinta Gobolka Sool, isagoo muujiyey in ay tahay wax laga xumaado loona turo dadka shacabka ah.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Oo kulan La Qaatay Qaar Ka Mid Ah Madaxda Ururrada Saxaafadda

Next Post

R/W Xamse Oo Kulan La Qaatay Guddiga Doorashooyinka ee Xiriirka Kubadda Cagta 

Next Post
R/W Xamse Oo Kulan La Qaatay Guddiga Doorashooyinka ee Xiriirka Kubadda Cagta 

R/W Xamse Oo Kulan La Qaatay Guddiga Doorashooyinka ee Xiriirka Kubadda Cagta 

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

April 9, 2026
0

Madaxweynaha JFS, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, kadib markii uu noqday garsoorihii...

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

April 9, 2026
0

Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo ku saabsan isbeddellada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In