Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha G/Banaadir oo Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socda Shiinaha+Sawirro

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha G/Banaadir oo Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socda Shiinaha+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda dawladda Shiinaha oo ay ka mid yihiin shirkado ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka.

Guddoomiye Yariisow ayaa wafdiga Shiinaha kala hadlay Horumarinta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo sidii ula tartami lahayd caasimadaha caalamka, gaar ahaan horumarinta iyo dhismaha jidad casri ah, dib-u-howlgelinta Nalalka haga gaadiidka ee Samaafalaha, Soolarro casri ah iyo bulaacadaha.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Sidoo kale,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho Eng: C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa hoosta ka xariiqay iney Wafdiga Dowladda Shiinaha isla soo hadal qaadeen sidii magaalada Muqdisho u heli lahayd maalgashi qeyb weyn ka qaata horumarka socda.

“Kulanka aan la qaatay wafdiga ka socda dawladda Shiinaha ee kamid ahaayeen shirkadaha ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka casriga ah, waxaan iskula soo qaadnay sidii Caasimadda dalka Soomaaliya ay ula tartami lahayd caasimadaha kale ee caalamka, waana ku heshiinay, gaar ahaan horumarinta iyo dhismaha jidad casri ah, dib-u-howlgelinta Nalalka haga gaadiidka ee Samaafalaha, Soolarro casri ah iyo xal u helidda bullaacadaha”. Ayuu yiri Eng Yarisow.

Madaxa Waaxda Cilmi baarista iyo muxudadaadka dalka Shiinaha oo wafdiga hoggaamiyey ayaa dhankiisa sheegay in magaalada Muqdisho ay u baahan tahay horumarin ballaaran in lagu sameeyo adeegyada guud ayna aqoon wanaagsan u leeyihiin dhinaca casriyeynta Caasimadaha. Waxana ay uga mahadceliyeen guddoomiyaha gobolka Benaadir soo dhaweynta iyo wada-shaqeynta wanaagsan.

Previous Post

Guddiga Taakuleynta Ciidanka Xoogga dalka oo wacyi gelin u sameeyay Ciidanka Booliska+Sawirro

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir “Degmada Kaxda Waxay u baahan tahay guud ahaan adeegyadii bulshada”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir “Degmada Kaxda Waxay u baahan tahay guud ahaan adeegyadii bulshada”

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir “Degmada Kaxda Waxay u baahan tahay guud ahaan adeegyadii bulshada”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In