Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir “Degmada Kaxda Waxay u baahan tahay guud ahaan adeegyadii bulshada”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir “Degmada Kaxda Waxay u baahan tahay guud ahaan adeegyadii bulshada”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey degmada Kaxda ee galbeedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ku soo dhaweeyeen maamulka iyo shacabka degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Mudane Maxamed Ismcaaiil Cabdulaahi ayaa sheegay in Kaxda ay u baahan tahay guud ahaan adeegyadii bulshada, maadaama ay tahay degmdii ugu dambeysay ee ku soo biirta degmooyinka gobolka Benaadir.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Benaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diiran ee loo sameeyey wafdiga waxa uuna bogaadiyey isku duubnida bulshada degmada.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Dheere ayaa tilmaamay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka shaqeyneyso horumarinta degmadan oo xiligan ay ka jiraan baahiyo kala duwan oo aas-aas u ah nolosha.

Guddoomiyaha gobolka ayaa xusay in degmada Kaxda ay ku nool-yihiin dad barakacayaal ah oo u baahan gacan qabasho, isagoona ku baaqay in gurmad loo fidiyo, maadaama xiligan ay haysato xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

“Dadka ku nool degmadaan waxaa ka mid ah barakacayaal oo waqti hore halkaan yimid iyo kuwo dhowaan ay abaartu soo barakicisay, kuwaas oo u baahan gacan qabasho iyo in laga fakero mustaqbalkooda. Waxaan u baahannahay in aan u jeedsano dhanka horumarinta si aan ku caawinno barakacayaasha in ay noqdaan dad wax soo saar leh oo naftooda ku filan”.Ayuu raaciyey guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in degmada Kaxda ay tahay meeshii ugu horeysay ee uu booqdo, taas oo ka dhigan in maamulkiisa ay ka go’an tahay kor u qaadista horumarka iyo nabadgelyada degmada, isagoona xaqiijiyey in sanadkan 2018 qorshuhu yahay hirgelinta waxqabad muuqda iyo in doorashooyin la gaarsiiyo gobolka Benaadir.

Kormeerkan waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ku-xigeenadiisa arrimaha amniga, siyaasadda iyo arrimaha bulshada iyo Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta Gobolka Benaadir 
Muqdisho-Soomaaliya

Previous Post

Guddoomiyaha G/Banaadir oo Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socda Shiinaha+Sawirro

Next Post

100-Sarkaal oo ka tirsan HS&J oo Tababar loogu soo xiray Muqdisho+Sawirro

Next Post
100-Sarkaal oo ka tirsan HS&J oo Tababar loogu soo xiray Muqdisho+Sawirro

100-Sarkaal oo ka tirsan HS&J oo Tababar loogu soo xiray Muqdisho+Sawirro

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In