Thursday, February 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha G/Banaadir oo sheegay in dadaal la gelinayo dhisidda awoodda maamul ee degmooyinka Caasimadda+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha G/Banaadir oo sheegay in dadaal la gelinayo dhisidda awoodda maamul ee degmooyinka Caasimadda+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa u furay qaar ka mid ah maamullada degmooyinka gobolka tababar ku saabsan qorshe siyaasadeedka xasilinta caasimadda.

Tababarkan oo ku saabsanaa hannaanka fulinta mashaariicda, sugidda amniga, ilaalinta sharciga, caddaaladda iyo dib-u-heshiisiinta ayaa waxaa ka qeyb galay guddoomiyeyaasha iyo maamulka degmooyinka Yaaqshid, Heliwaa, Kaaraan, Dharkiinley, Kaxda, agaasime waaxeedyo, saraakiil ka socotay AMISOM iyo bulshada rayidka ah.

Related posts

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 19, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

February 18, 2026

Guddoomiyaha Gobolka ayaa tilmaamay in mudnaanta ay siinayaan maamulka Gobolku kor u qaadista aqoonta iyo khibradda maamul ee masuuliyiinta iyo shaqaalaha degmooyinka Gobolka Banaadir, taas oo salka ku haysa qorshaha dib u habaynta iyo daadajinta Adeegyada bulshada.

“Dadaal badan ayaan gelinaynaa sidii aan u dhisi lahayn awoodda maamul ee degmooyinka Gobolka, annaga oo beegsanayna sidii aan u xoojin lahayn daah furnaanta maamulka, la dagaallanka musuq maasuqa iyo asteynta maamul wanaag si siman ugu wada adeegayada dhammaan shacabka.”

Eng.Yarisow ayaa faray Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banadir in ay si siman ugu adeegaan bulshada, isla markaasna ay joogteeyaan kormeerka iyo la socodka xafiisyada adeegga bulshada, laamaha ammaanka iyo garsoorka degmooyinkooda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyey in ay muhiim tahay kor u qaadista kalsoonida shacabku ay ku qabaan maamulka degmooyinkooda, arrinkaas oo xoojinaya wada shaqeynta bulshada iyo maamulka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo xasilinta oo ay kaalin wayn ka qaateen shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir.

Previous Post

Soomaaliya iyo Ereteriya oo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka

Next Post

Dadaallo xabad-joojin ah oo laga dhexwado Isra’il iyo Falastin

Next Post
Dadaallo xabad-joojin ah oo laga dhexwado Isra’il iyo Falastin

Dadaallo xabad-joojin ah oo laga dhexwado Isra’il iyo Falastin

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 19, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

February 18, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si rasmi ah caawa u daah-furay tartan...

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

February 18, 2026
0

Senator Xasan Iidow Muxumed Kobac ayaa deeq raashiin afur ah u qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool Gobolka Banaadir,...

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

February 18, 2026
0

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdillahi Bidhan Warsame, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In