Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha gobolka Bakool oo ka deyriyay xaaladda degmada Rabdhoore

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Bakool Oo Socdaal Ku Maraya Deegaanadii Dhawaan Laga xoreeyay UGUS Ee Gobolka Bakool
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wefdigan uu horkacayayo guddoomiyaha gobolka Bakool mudane Maxamed Cabdi Tall ayaa kormeer ku mareya deegaanada iyo degmooyinka gobolka, ayagoo u kuurgalaya xaaladda nolaleed iyo tan amni  ee dadka ku dhaqan goobahaasi,waxaana ku sugan yihiin degmada Rabdhoore ee gobolka Bakool oo kamid ah degmooyinka ay curyaamiyeen maleeshiyaadka Al-shabaab labo sano ka hor laga saaray.

Guddoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tall oo ku sugan degmada Rabdhoore oo u waramay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixinaya u jeedada kortmeerkooda.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Waxaan goosanay in aan kormeer ku marno dhammaan degmooyinka gobolka iyo tuulooyinka qaar, waxaan soo marnay tuulada Mooragaabey iyo Garasweyne oo labo maalin aan joognay oo dadweynaha aan la shirnay.” Ayuu yiri guddoomiye Tall.

Mudane Maxamed Cabdi ayaa sheegay in degmada Rabdhoore dadka ku nool ay dhibaato nolaleed oo aad i daran qabaan isla markaana degmado aysan ka jirin inta badan adeegyada bulshada aas aasiga u ah maadaama kooxdii arxan laawiyaasha ee degmada maamuli jirey ay baa’biyeen kaabiyaasha degmada Rabdhoore.

Guddoomoyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tall, ayaa sidoo kale sheegay in amaamnka gobolka uu yahay mid la isku haleyn karo isla markaana dhamaan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka laga xoreeyay kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab,waxaana uu hey’adaha samafalka ka codsaday in gargaar la soo gaaraan dadka ku dhaqana gobolka gaar ahaan degmad Rabdhoore.

Kormeerka mas’uuliyiinta maamulka gobolka ay ku marayaan ayaa qeyb ka ah qorshaha maamulka gobolka uu baahida dadka deegaanadaasi ku dhaqan uu ku ogaanayo si looga jawaabo baahidaasi ay indhahooda ku ku soo arkeen, iyadoo sida uu guddmiyuhu sheegay socdaalkooda sii socon doono ilaa ay ku soo wareegaan inta badan degmooyinka gobolka.

 

 

 

 

Previous Post

Waxqabadka Dowladda ee todobaadkii la soo dhaafay “Sawirro”

Next Post

TURKEY: Dad ku dhintay Weerar argagxiso oo ka dhacay Ankara

Next Post
TURKEY: Dad ku dhintay Weerar argagxiso oo ka dhacay Ankara

TURKEY: Dad ku dhintay Weerar argagxiso oo ka dhacay Ankara

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In