Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay mashruuc Buundo loogu dhisayo waddada 21 October ee degmada Waabari, waxaana dhagax dhigaasi goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Gobolka Banaadir iyo Cabdirashiid Caynaanshe oo kamid ah Guddiga Fulinta ee Shirkadda Hormuud telecom.
Dhagaxdhigga mashruucan oo ay fulineyso Shirka Hormuud telecom ayaa ah mid ay baahi weyn ay u qabeen bulshada, isticmaasha waddadaasi gaar ahaan Ardayda dhigata Iskuulka 21-October, kuwaas oo qatar kala kulmi jiray Gaadiidka isticmaala Wadddadani.
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu ahmiyad gaar ah siinayo fulinta adeegyada aas aasiga ah ee bulshada Caasimadda.