Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
10 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Arbacada maanta ah waxa uu si rasmi ah u dhagax-dhigay Mashruuca Dayactirka iyo Faara-bixinta Warta Degmada Boondheere, tallaabadan ayaa ka mid ah dadaallada ballaaran ee Dowladda Hoose ee Xamar ay ku horumarinayso kaabeyaasha muhiimka ah ee caasimadda.

Guddoomiye Dr. Muungaab oo munaasabadda dhagax-dhigga khudbad ka jeediyay, ayaa muujiyay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Mashruucan, maadaama ay Warta Boondheere tahay biyo-qabadka shan degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in mashruucan uu door weyn ka qaadan doono hagaajinta nidaamka biyo-mareennada, yareynta khataraha fatahaadaha xilliyada roobabka, iyo fududeynta isu-socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in mashruuca dayactirka iyo faara-bixinta Wartan ay si buuxda u maalgelisay Dowladda Hoose ee Muqdisho, islamarkaana ay tahay middii saddexaad ee noocan ah oo si rasmi ah shaqo looga billaabo, iyadoo horay wax looga qabtay biya-mareennada muhiimka ah ee magaalada, kuwaas oo qaarkood ay weli ka socdaan hawlo dhismo ah.

Dhanka kale, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka, ayaa ku booriyey shacabka Gobolka Banaadir inay si wacyi leh, mas’uuliyad muwaadinimo huwan, islamarkaana ay xaq dastuuri ah ku gudanayaan ugu soo baxaan doorashada golaha deegaanka ee la qorsheeyay in ay dhacdo 25-ka bishan Diseembar, si ay door muuqda uga qaataan mustaqbalka maamul iyo horumarineed ee magaaladooda.

Previous Post

Wariye Axmed Saciid Axmed oo ka badbaaday isku day dil

Next Post

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Next Post
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In