Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta Waaxda Kaawa Godeey ee degmada Dharkeenley iyo xarunta Caafimaadka ee hooyadda iyo dhallanka oo ay yeelanayso Waaxda Kaawa Godeey.
Munaasabadda dhagax dhigga dhismaha xarunta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka degmada Dharkeenlay iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Guddoomiyaha Degmada Dharkeenlay ee Gobolka Banaadir mudane, Guhaad Sheekh Xasan, oo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, uga mahadceliey dhagaxdhigga Waaxdan, ayaa ka warbixiyey dhismaha waaxda kaawa Godeey iyo baahidda ay bulshaddu u qabto.
“Waaxda Kaawa Godeey ee Degmada dharkeenlay waxay kamid tahay waaxyaha ugu weyn Degmada, horey degmadu Afar Waax ayey u lahayd balse Waaxdan ugu yar ayaa hadda u muuqata inay tagay Waaxda ugu weyn Degmada Dharkeenlay, waa Waax soo koreysa, dhismaysa, Goofna leh sidoo kalana deeggaan ah, Maadama Waaxdan ay ku nool yihiin bulsho badan waxaan ku faraxsanahay inay yeelato Xarun Caafimaad (MCH), waxaana rajeynaynaa in baahiyihii bulshadaan haystay daboosho” ayuu yiri guddoomiye Guhaad.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tilmaamay in maamulka Gobolka Banaadir uu ka shaqeyn doono hirgelinta xarumaha hooyada iyo dhallaanka, si bulshada ay u helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.
Senator, Zamzam Daahir Maxamuud oo kamid ah mudanayaasha Golaha Aqalka Sare, ayaa kaga mahadcelisay Maamulka Gobolka Banaadir dhismaha Caasimadda iyo horumarka ballaaran ee ka socda Gobolka Banaadir, waxaana ay sheegtay in bulshada ku nool Caasimadda Soomaaliya ay u baahan yihiin Horumarin Caafimaad iyo mid dhaqaalaba.