Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku Ammaanay Shacabka Garasbaaleey iskutashiga iyo Horumarka deegaanka ka socda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku Ammaanay Shacabka Garasbaaleey iskutashiga iyo Horumarka deegaanka ka socda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho 06 June 2018–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow), Guddoomiye Ku-Xigeennadda Amniga iyo Siyaasadda, Howlaha Guud iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa afur wadareed la qaatay shacabka deegaanka Garasbaaleey ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey shacabka deegaanka Garasbaaleey afurka ay u sameeyeen, waxuna boggaadiyey horrumarada kala duwan ee deegaanku sameeyey muddooyinkii la soo dhaafay.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026

Isagoo la hadlayay shacabka deegaanka ayuu Duqa Muqdisho tilmaamay in maamulkiisu uu u taagan yahay horumarinta iyo isku-xirka bulshada Caasimadda, isla markaana dadka Caasimadda loogu geynayo deegaanadooda adeegyada bulshada ee maamulku bixiyo.

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa afurka aad noo sameyseen oo ina tusay sida aad u jeceshihiin maamulkiina, anaguna waxaan diyaar u nahay gacan qabashadiina iyo sidii aad u heli lahaydeen xuquuq lamid ah kuwa degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir ”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Duqa Muqdisho oo ka hadlayay barnaamijka Dimuqoraadiyeynta Caasimadda, waxuu sheegay in maadaama uu qorshuhu yahay sanadka 2020 guud ahaan dalka ay ka dhacaan Doorashooyin qof iyo cod ah loo diyaar garoobo sidii kaalintooda ay uga qaadan lahaayeen.

Ugu danbeyn, ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ammaanay isku xirka shacabka, odayaasha iyo qeybaha bulshada deegaanka Garasbaaleey. Isagoo ka codsaday in la bixiyo canshuuraha si horumarka deegaanku u noqdo mid taabagalla lana tartama degmooyinka Caasimadda.

Sidoo kale, waxaa goobta hadallo ka jeediyey Xildhibaan Sharmaarke Garaad Saleebaan, Xildhibaan Abtidoon Yare iyo qaar kamid ah Mamulka deegaanka iyo Odayaasha Dhaqanka oo dhammaantood qiray in deegaanka Garasbaaleey uu sameeyey horumarro bulsho oo taabagal ah.

 

—DHAMMAAD—

Previous Post

Ciidanka gaarka ah ee DANAB  oo Howlgalo ka sameeyey qeybo kamid ah Gobollada Jubbooyinka “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafti uu hogaaminayo oo Lagu Soo Dhaweeyay Jabuuti “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafti uu hogaaminayo oo Lagu Soo Dhaweeyay Jabuuti “SAWIRRO”

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafti uu hogaaminayo oo Lagu Soo Dhaweeyay Jabuuti "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In