Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ben fender.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa kala hadlay Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya mudane ben fender, sidii ay gacan kaga siin lahaayeen arrimo la xariira horumarinta magaalada iyo xasiloonida amniga.
Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire ben Fender, ayaa sheegay inay ka taageerayaan maamulka gobolka Banaadir, islamarkaana muhiimad gaar ah ay u leedahay mashruucan nabadeen bulshada ee caasimadda.
Dowlada Ingiriiska iyo maamulka gobolka Banaadir, ayaa si waddajir ah uga shaqeeyn doono fulinta mashruucaan si loo helo xal waarta.