Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Duqa Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland + Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Duqa Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland + Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng; Yariisoow) oo la kulmay dhiggiisa  Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland, Sami Kanaan, ayaa kala hadlay hirgelinta xiriirka iyo wadashaqeynta Labada Magaalo.

Eng;Yariisoow ayaa uga mahadceliyey Duqa, Geneva soo dhoweynta iyo martigelinta uu u sameeyay, isagoo uga warbixiyey horumarka Caasimadda, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha lagu horumarinayo.

Duqa, Muqdisho ayaa la wadaagay dhiggiisa Geneva , qorsheyaasha Maamulka Banaadir ee la xiriira xal u helista dhibaatooyinka barakacayaasha, wuxuuna soo bandhigay qorshaha xalka waara ee barakacayaasha oo Maamulka Gobolka Banaadir ay bartilmaamsanayaan Sannadka 2022-ka.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Dhankiisa, Duqa Geneva, Sami Kanaan ayaa ka mahadceliyey booqashada Duqa Muqdisho, isagoona tilmaamay sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirka Dowladaha Hoose ee Geneva iyo Muqdisho, iyo dhaqan gelinta qorsheyaasha lagu horumarinayo Caasimada Muqdisho.

Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa la kulmay Duqa magaalada Bristol ee Dalka Ingiriiska Mudane Marvin Rees, iyagoona ka wada hadlay sidii la isu dhaafsan lahaa khibradaha la xiriira adeegyada Dowladaha Hoose iyo teyeynta shaqaalaha.

Eng, Yariisoow, ayaa ku dhiirri geliyey Maamulka Magaalada Brisol in ay ku Gacan siiyaan Dowladda Hoose ee Xamar tayeynta shaqaalaha ku hawllan bixinta adeegyada asaasiga ah, faya dhawrka iyo naqshadaynta Magaalada.

Previous Post

Ra,isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo shir gudoomiyay Shir looga hadlayay mashaariicda hormarineed ee dalka ka socda

Next Post

Duqa Muqdisho oo Geneva kula kulmay dhiggiisa Magaalada Bristol ee Dalka Ingiriiska+ Sawirro

Next Post
Duqa Muqdisho oo Geneva kula kulmay dhiggiisa Magaalada Bristol ee Dalka Ingiriiska+ Sawirro

Duqa Muqdisho oo Geneva kula kulmay dhiggiisa Magaalada Bristol ee Dalka Ingiriiska+ Sawirro

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In