Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir oo looga hadlay Horumarinta Caasimadda, Amniga, Dib-u-dhiska, Dhaqaalaha iyo Taageerada Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
Duqa Magaalada Muqdisho ayaa warbixino ka dhageystay Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar, Asigoona faray in la dar-dargeliyo Shaqooyinka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, si Bulshada Caasimadda iyo kuwa Gobolka Banaadir ay u helaan adeeg hufan.