Saturday, February 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo degmada Boondheere ka furay Barnaamijka Waxbarashada dadka Waa-weyn.

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo degmada Boondheere ka furay Barnaamijka Waxbarashada dadka Waa-weyn.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 21, 2026
Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026

 

 

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa caawa degmada Boondheere ka furay barnaamij ku saabsan Waxbarashada dadka waaweyn oo lagula dagaalamayo jahliga.

Barnaamijkan oo muddo socon doona ayaa waxaa la rabaa in laga hirgeliyo dhammaan degmooyinka gobolka Benaadir, iyadoo qorshuhu yahay in dadka Caasimadda ku nool ay wax akhrin karaan waxna qori karaan.

Guddoomiye Yarisow ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado akhrinta iyo qorista afka hooyo iyo aqoonta dadka waaweyn ee waqtigu u saamixi waayay in ay maraan nidaamka waxbarashada aas-aasiga ah.

“Barnaamijkan wuxuu qeyb ka yahay qorshaha maamulka ee la dagaallanka jahliga, waxuu sidoo kale kor u qaadayaa in dadku wax akhriyaan waxna qoraan, taasina runtii waa lagama maar-maan. Waxaan aaminsannahay in waxbarashadu ay tahay asaaska lagu horumariyo dalka, waxaan kaloo aaminsannahay in waxbarashadu saldhig u tahay horumarka waara.

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa xusay maadaama uu dalku u gudbayo marxalado kala duwan, gaar ahaan dhinaca siyaasadda, lana geli doono doorashooyin hal qof iyo hal cod ah loo baahan yahay in qofku wax akhrin karo waxna qori karo, sidaas daraadeedna ay rabaan xilli hore in la bilaabo barnaamijyada kor loogu qaadayo aqoonta bulshada.

Munaasabadda Daah furka ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Benaadir iyo dadweyne kale, iyadoo intii ay socotay munaasabaddu halkaas lagu soo bandhigay heeso iyo bandhigyo ka turjumaya dhaqanka ay caanka ku tahay degmada Boondheere.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta Gobolka Benaadir 
Muqdisho-Soomaaliya

Previous Post

Dhageyso: faah faahin dheeri ah oo kasoo baxaysa Qarax maleeshiyada Al shabaab ku dileen dad Shacab ah oo marayay G/shabeelaha dhexe

Next Post

Daawo Sawirro+Olalaha lagu qurxinaayo Wadooyinka Caasimada Dalka ee Muqdisho

Next Post
Daawo Sawirro+Olalaha lagu qurxinaayo Wadooyinka Caasimada Dalka ee Muqdisho

Daawo Sawirro+Olalaha lagu qurxinaayo Wadooyinka Caasimada Dalka ee Muqdisho

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 21, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026
0

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u daahfurtay ololaha bisha barakeysan ee...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026

February 20, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud chaired a meeting between...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026

February 20, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmarey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In