Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo guddoomiyey kulan looga hadlayey Xasilinta Amniga Caasimadda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo guddoomiyey kulan looga hadlayey Xasilinta Amniga Caasimadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in maamulka iyo shacabka Gobolka ay ka go’an tahay sidii ay qeybtooda uga qaadan lahaayeen qorshe-yaasha lagu dar-dar gelinayo xasilinta amniga Caasimadda.

Eng. Yarisow oo guddoominayey kulan ay ka soo qeyb galeen Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta Dawladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Guddoomiyeyaasha 17ka degmo ee Gobolka Benaadir iyo Taliyeyaasha heer degmo ee ciidamada Booliska, Nabad Sugidda iyo Asluubta ayaa xusay muhiimadda ay u leedahay wada shaqeyntu sugidda ammaanka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la mideeyo qorsheyaasha lagaga hor-tagayo falalka arxan darrada ah ee Alshabaab ay u maleegayaan shacabka.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

“Maanta lama joogo xilli la isku fiirsado shaqada iyo in masuul walba uu dhankiisa wax gaar ah ka qorsheeyo ee waxaan taagannahay waqtigii wada-shaqeynta iyo dajinta qorshe wadajir ah oo wax looga qabanayo amniga Caasimadda.” Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa si gaar ah ugula dar-daarmay maamulka degmooyinka in ay adkeeyaan wada shaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin, qeybaha ciidamadda iyo bulshada degmooyinkooda taas oo muhiim u ah qorsheyaasha xasilinta caasimadda.

“Waxaa xaqiiq ah in weli ay jiraan caqabado dhinaca ammaanka ah, kuwaas oo aan la yareysan karin, balse haddii aan sii xoojinno dadaalkeenna iyo wada shaqeynta aan la leenahay bulshada degmooyinka waxaa hubaal ah in lagu guuleysanayo xasilinta amniga caasimadda oo laf-dhabar u ah deganaanshaha guud ee dalka.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la joogteynayo kulanka oo noqon doonna bille iyo shirarka kale ee todobaadlaha ah ee Guddiga Amniga Gobolka Benaadir, iyadoona sidoo kale dadaal dheer la gelin doono kor u qaadista wacyi gelinta bulshada sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen sugidda amniga iyo xoojinta wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka.

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Jubbaland oo amaanay Mataaneynta Magaalooyinka Kismaayo iyo Antalya

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wafdi ka socda FAO “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wafdi ka socda FAO “SAWIRRO”

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wafdi ka socda FAO "SAWIRRO"

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In