Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee dalka Talyaaniga u qaabilsan Afrika “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 19, 2018
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee dalka Talyaaniga u qaabilsan Afrika “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 19, Maarso 2018–Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kala hadlay Ergeyga Gaarka ah ee dalka Talyaaniga u qaabilsan Afrika Mudane Luciano Pezzotti iyo Safiirka dalkas ee Soomaaliya Danjire Carlo Campanile sidii dalka Talyaaniga ay uga qeyb qaadan lahaayeen mashaariicda horumarineed ee Gobolka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan soo celinta xiriirka Caasimaddu ay la lahayd magaalooyinka kale ee dunida, taas oo qeyb ka ah qorshayaasha kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha, soo celinta bilicda iyo tayeynta shaqaalaha Dawladda Hoose ee Xamar.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

“Danjiraha iyo Saraakiisha safaaradda dalka Talyaaniga ee Soomaaliya waxaan isku af garanay muhiimadda ay leedahay in la soo celiyo xiriirkii ka dhaxeeyey magaalooyinka dalka Talyaaniga iyo Magaalada Muqdisho, si aan isu dhaafsanno khibradaha dhanka maamulka, xoojinna ay u noqoto dib u dhiska mashaariicda horumarineed.”

Eng. Yariisow ayaa sidoo kale tilmaamay in ay masuuliyiinta dalka Talyaaniga ka wada hadleen sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib u dajinta dadka barakacayaasha ee ku nool gobolka Benaadir, arrinkan oo uu sheegay Guddoomiyehu in ay xal u helistiisa kala kaashanayaan Dawladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adaha Qaramada Midoobey, Beesha Caalamka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

“Dad kor u dhaafaya Shan boqol oo kun barakacayaal ah ayaa ku nool Gobolka. Si aan xal ugu helno, dib u dajinna iyo nolol munaasab ahna aan ugu sameeyno waa in aan la kaashannaa cid kasta oo gacan naga siin karta xal u helisteeda, sababtoo ah ma aqbali karno in Caasimaddii ay dad barakac ku yihiin iyadoo Soomaaliya ay ka soo kabaneyso bur burkii.”

Kulankan waxaa ku weheliyey Guddomiyaha Ku Xigeenkiisa Arriimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed, iyadoona dhinaca Talyaaniga ay ka soo qeyb galeen

—DHAMMAAD—

Previous Post

Dhageyso: Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb galay tartan isboorti oo lagu qabtay Degmada Hodan

Next Post
Dhageyso: XFS  oo faah faahin ka bixisay qorshayaasha horyaala 2018-2019

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb galay tartan isboorti oo lagu qabtay Degmada Hodan

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In