Thursday, October 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha gobolka oo dhagax dhigay waddado dib u dayactir lagu sameynayo-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha gobolka oo dhagax dhigay waddado dib u dayactir lagu sameynayo-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waddadan oo dhagax dhigay gudoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa ah wada laba km oo isku xirta Isgoysyada Kaaran iyo Xaawa Casir ee degmada Kaaran, taas oo si weyn u burbursaneyd isla markaana adkaa isticmaalkeeda.

Munaasabadii lagu dhagax dhigay waddadan ayaa waxaa goob joog ka ahaay xildhibaana ka tirsan golaha Shacabka, saraakiisha laamaha amniga magaalada Muqdisho qaar kamid ah dadweynaha degmadaas.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

Guddoomiyaha degmada Kaaran, Cumar Meyre Macow, ayaa sheegay in dhismaha waddadan ay iska kaashadeen ganacsatada Soomaaliyeed iyo maamulka gobolka Banaadir.

“Runtii in ra’iisul wasaarihii qaranka uu noo furey waddadii Bandar-Qaasim (Dr.Kadare) maantana guddoomiyaha gobolka uu noo dhagax dhigo waddadii Kaaraan, anaga reer Kaaraan haddii aan nahay aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay,” ayuu yire guddoomiye Macow.

Xildhibaan Yuusuf Ibraahim Afrax iyo Xildhibaan Dahabo Zuusow Maxamed oo ka tirsan golaha shacabka jamhuuriyadda Soomaliya ayaa goobta ka sheegay  in dhismaha waddooyinka  ay tahay mid ay bulshada ka wada dhaxeyso.

Guddoomiyaha gobalka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa ugu baaqay bulshada reer Kaaran in ay kaalin ka qaatan nadaafada iyo bilicda magaalada.

“Mar nadaafadda waxa ugu muhiimsan waaye, Kaaraan waa amni waa meel dadka aad u degan yihiin maadaama amni tahay waddadiina loo dhisay Insha’alah Kaaraan waa u kaltan,” sidaa waxaa yiri Thaabit.

Intaa kadib ayaa duqa magaalada Muqdisho waxa uu kormeer ku sameeyay goobaha ganacsi ee ku yaala degmada Kaaran, isagoo gacan qaaday bulshada Soomaliyed ee ku sugnyed hareeraha waddooyinka waxa uuna ka wareysanaaye xaaladooda iyo cabashooyinka ay qabaan, waxaana uu  booqday mid kamid ah maqaaxiyaha ku yaala degmada halkaasi uu kala cunteeyay shacabkii goob ku sugnaay.

Dhanka kale gudoomiyaha gobalka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa booqday Isbitaalka Keysaney ee degmada Kaaran isagoo halkaasi kula kulmay bukaano qaba xanuuno kala duwan, waxa uuna gudoomiyaha uu mid mid u booqday qeybaha kala duwan ee isbitaalka .

Gudoomiyaha ayaa inta uu booqashada ku jiray waxa uu la kulmay qaar kamid ah bukaanada isbitaalka lagu daweynayo, isagoo ka wareystay xaaladooda caafimad iyo muda ay isbitaalka ku jiraan sidoo kale waxuu xaalada isbitaalka iyo baahida ka jirta ka wareystay maamulka iyo dhakhaatirta isbitaalka Keysaney.

Gudoomiyaha gobalka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa maamulka iyo dhakhaatirta isbitaalka uga mahadceliyay  sida ay ugu shaqeeyaan umadda Soomaaliyeed, waxaana uu balan qaaday in ka maamul ahaan ay gacan siin doonaan.

Previous Post

Booliiska Galmudug oo gacanta ku dhigay rag kufsi iyo jirdil geystay “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Warfaafinta, oo xaqiijiyey in Xeerka Saxaafadda Soomaaliya Dib u eegis lagu sameynayo.

Next Post

Wasiirka Warfaafinta, oo xaqiijiyey in Xeerka Saxaafadda Soomaaliya Dib u eegis lagu sameynayo.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In