Sunday, May 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha gobolka oo kormeeray Suuqa Bakaaraha”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 15, 2015
in Wararka
0
Guddoomiyaha gobolka oo kormeeray Suuqa Bakaaraha”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab)ayaa maanta ku dhex lugeeyay wado laami casri ah oo uu dhisay maamulka gobolka Banaadir oo aan kaashaneynin wax hay’ado ama dalal shisheeye ee dibadda.

Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay tallaabada maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya qaar kamid ah ganacsatada ku nool Caasimadda Somalia ay ku dhiseen waddo Laami casri ah oo ay ka hirgaliyeen Magaalada Muqdisho ay muujinayso in dadka gobolka Banaadir ku nool ay yihiin dad wax qabsan kara.

Related posts

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

May 11, 2025
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

May 11, 2025

Guddoomiye Muungaab oo ay wehliyaan mas’uuliyin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah guddoomiyayaasha degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa socdaal shaqo ku tagay wadada laamiga ee Maamulka Gobolka Banaadir uu dhisay ayaa ku tilmaamay in ay tahay horumar uu ku tallaabsaday dadweynaha ku nool gobolka Banaadir iyo maamulkiisa.

Wadadaan dowladda hoose Xamar ay ka hirgalisay caasimadda Dalka Soomaaliya Muqdisho ayaa ah wado dhererkeedu gaarayo 1KM waxayna ka bilaabanaysaa isgoyska Sayidka waxayna ku dhamaanaysaa isgoyska Baar Ubax waxayna dhexmartaa suuqa ugu weyn dalka Soomaaliya ee Bakaaraha waana waddo loo sameeyay sida wadooyinka caalamiga ah laguna dhisay Laami casri ah.

“Hirgalinta Wadadaan laamiga casriga ah oo maamulka gobolka Banaadir uu ku guuleystay ayaa ka tarjumayso inaan nahay dad wax qabsan kara oo awood u leh inay horumariyaan magaaladooda” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab oo Warbaahinta kula hadlayay isagoo ku sugan wadada laamiga casriga ee laga hirgaliyay Gudaha magaalada Muqdisho.

Axmed Nuur Cabdi Siyaad oo ah Guddoomiyaha degmada Howlwadaag ayaa ugu Mahad celiyay maamulka gobolka Banaadir iyo ganacsatada gacanta ka geystay dhismaha wadadaan laamiga ah isagoo sheegay in dhismaha wadadaan ay tahay mid ka qeyb qaadan karta in ganacsiga Suuqa Bakaaraha uu sameeyo horumar maadaama ganacsatada Suuqaas ay dhibaato ku qabeen bur burka wadooyinka soo gala.

Guddoomiye Muungaab ayaa noqonaya guddoomiyihii ugu horeeyay ee gobolka Banaadir oo ku guuleystay 24 sannadood kadib uu Wado Laami si casri ah loo dhisay ka hirgaliyo gudaha Magaalada Muqdisho isagoo kaashanaya ganacsatada ku nool gobolka Banaadir islamarkaasna aan wax kaalmo ah ka helin hay’ado caalami ah ama dalalka deeqaha bixiya.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bilaabay hirgalinta dhismaha wadadaan Laamiga Casriga ee dhexmarayso suuqa Bakaaraha gaar ahaan wadada 1-aad 1-da bishii lasoo dhaafay Febraayo 2015 markaas oo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu xariga ka jaray dhismaha jidkaas iyadoo inta u dhaxeeyso isgoyska Baar Ubax ilaa isgoyska Sayidka laga hirgaliyay taas oo qaab casri ah loo dhisay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay markii la bilaabayay dhismaha wadadaan Laamiga la saaray in ujeedka maamulka gobolka Banaadir uu ka lahaa ay ahayd in lasoo celiyo bilicdii ay caasimadda dalka Somalia Muqdisho lahaan jirtay.

“Ma ahan laami la dayactirayo, ma ahan in shamiindo lagu shubayo meel god ah, laakin sida aan ka baranay Walaalaha Turkiga ayaan u dhiseynaa laamigan oo aan jecelnahay inay ku soo baxaan qurux waxaana ku baxaya dhismaha wadadaan Laamiga casriga lacago dhan hal milyan iyo shan boqol oo kun oo dollar ” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir ayaa sameenaya horumaro dhan kasta ah,waxaana muddii sanadka ahayd uu Guddoomiyaha ka ahaa gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab uu maamulkaas magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka hirgaliyay mashruucyo badan oo horumarineed.

16372_1570139359891484_5666380374115482367_n

21996_1570139003224853_3066664794314840264_n

1507739_1570139369891483_6496678300415167591_n

10298833_1570138859891534_2011745130396088012_n

10411238_1570138923224861_5824398758422559058_n

10471182_1570139226558164_2097036533654216798_n

11061333_1570138789891541_1483295787093467288_n

11070538_1570139009891519_5902659832840225050_n

Guddoomiyaha Howlwadaag

Indho Cadde iyo Muungaab suuqa

Indho cadde iyo Muungaab suuqa2

Muungaab iyo guddoomiyaha Howlwadaag

Muungaab iyo Guddoomiyayal degmo

Muungaab iyo Indho Cadde

Muungaab iyo masuuliyiin oo ku lugeenaya Laamiga suuqa bakaraha ee gobolka uu dhisay

Muungaab oo bakor wata

Muungaab oo jeex qaro taagaya

Muungaab oo kofi wata

Muungaab oo qaro gor gorinaya

Muungaab oo qaro jeexaya iyo indho cadde 2

Muungaab oo qaro jeexaya iyo indho cadde oo dhoola cadenaya

Muungaab oo qaro jeexaya iyo indho cadde

Muungab iyo Dhoore Xamar Jajab

Muungab ookiyaalka saxanaya

Wado laami la saaray bakaraha

Previous Post

Nicholos Kay oo maanta gaaray Baydhabo

Next Post

Ku simaha Madaxweynaha dalka oo kulan la yeeshay wefdi ka socda Qaramada Midoobay”SAWIRRO”

Next Post
Ku simaha Madaxweynaha dalka oo kulan la yeeshay wefdi ka socda Qaramada Midoobay”SAWIRRO”

Ku simaha Madaxweynaha dalka oo kulan la yeeshay wefdi ka socda Qaramada Midoobay”SAWIRRO”

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

May 11, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa hadimo-sharafeed soo dhaweyn ah u sameeyey Hoggaamiyaha Dowlad...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

May 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay...

Hay’adaha DFS oo isugu yimid kulan looga hadlayay Qorshaha Qaran  ee la dagaalanka isbeddelka cimilada

Hay’adaha DFS oo isugu yimid kulan looga hadlayay Qorshaha Qaran ee la dagaalanka isbeddelka cimilada

May 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Hay’adaha dowladda federaalka ayaa maanta isugu yimid kulan muhiim ah oo lagu lafagurayo, laguna ansixinayo Qorshaha Qaran ee...

Shir u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika oo lagu soo gabagabeeya Magaalada Mombasa

Shir u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika oo lagu soo gabagabeeya Magaalada Mombasa

May 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Waxaa Magaalada Mombasa ee dalka Kenya lagu soo gaba-gabeeyay shir wada-tashi ah oo u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In