Guddoominaya Gobolka Shabeellaha Hoose Ibaarim Aadan Najax iyo ku-xigeenkiisa dhanka Maaliyadda ayaa magaalada Muqdisho Kulan kula qaatay Ambassador Francisco Madeira, wakiilka gaarka ah ee midowga Africa u fadhiya Soomaaliya.
Kulanka Goddoomiye Ibaarim Najax iyo Ambassador Francisco Madeira ayaa looga hadlay xoojinta Howlgallada ka dhanka Argaggixisada Al-shabaab ee kasocda Gobolka shabeellaha Hoose.
โBalantu waa ciidamada xooga dalka,kuuwa AMISOM iyo maamulka gobolka inay xoojiyaan iskaashiga ka dhaxeeya si iftiinka dowliga loo gaarsiiyo meel walba oo ka mid ah gobolka shabeelaha hooseโayuu yiri Guddoomiye Najax
Guddoominaya Gobolka Shabeellaha Hoose Ibaarim Aadan Najax ayaa sheegay in sanadkaan 2019-kaย Kooxda Alshabaab laga xoreynayo qeybaha ay kaga harsanyihiinย Gobolka shabeelaha hoose.