Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo ka qeybgalay Siyaarada Sheekh Suufi

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo ka qeybgalay Siyaarada Sheekh Suufi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay Siyaarada Sheekh Cabdiraxmaan Cabdullaahi Sheekh Suufi oo galabta lagu qabtay Magaaladda Muqdisho.

Siyaarada 124-aad ee Sheekh Cabdiraxmaan Cabdullaahi Sheekh Suufi ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaanno iyo qeybaha kala duwan ee Culimada Soomaaliyeed.

Related posts

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026
Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

March 12, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa culimada Soomaaliyeed kaga mahad celiyay sida ay isugu soo baxeen iyo sida sharafta leh oo ay u maamuuseen Sheekh Cabdiraxmaan Suufi oo taariikh wanaagsan ku leh dalka.

“Waxaa sharaf weyn ii ah inaan kasoo qeyb galo munaasabadan qiimaha badan ee Siyaarada Sheekh Suufi oo ka soo wareegatay 124-sano, Sheekh Cabdiraxmaan Suufi waa Sheekh ku weyn quluubta Umadda Soomaaliyeed”. ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale Culimada Soomaaliyeed ku booriyay in ay ka qeyb qaataan ka hortagga fikirka Khawaariijta iyo sidii guud ahaan dalka looga ciribtiri lahaa.

“Culimada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay ka qeyb qaataan dagaalka lagula jiro cadowga Khawaariijta oo dhibaato weyn ku haya shacabkeena, waa in culimadu sameysaa wacyi gelin joogto ah oo dadka loogugu baaqayo ka qeyb galka dagaalka lagula jiro Khawaariijta”. ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay dowladooda ku garab istaagaan dagaalka dalka oo dhan looga ciribtirayo Khawaariijta.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlay madasha xirfadlayaasha Soonaaliyeed ee Maraykanka

Next Post

Booliska oo gacanta kusoo dhigay eedeysanayaal dhac ka geysanayay degmada Dharkenley

Next Post
Booliska oo gacanta kusoo dhigay eedeysanayaal dhac ka geysanayay degmada Dharkenley

Booliska oo gacanta kusoo dhigay eedeysanayaal dhac ka geysanayay degmada Dharkenley

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026
0

Ilaa 1,000 qoys oo ay si daran u saameysay abaarta ka jirta qaybo ka mid ah dalka ayaa ka faa’iideystay...

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

March 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed Mahmoud ayaa kulan sagootin iyo dardaaran ah la qaatay ciidamo gaar...

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In