Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ku sugan Turkiga ayaa kulan doceed la qaatay dhigiisa dalka Turkiga Mudane Numan Kurtulmuş.
Kulanka labada Guddoomiye ayaa daba socday Shirka 5-aad ee Madasha Baarlamaanada Qudus oo shalay ka furmay Istanbul, kulanka ayaa diiradda lagu saaray Iskaashiga labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Turkiga, sidoo kale waxay xoojiyeen sidii loo bilaabi lahaa wada-shaqeynta guddiyada saaxiibtinimada labada Baarlamaan, waxayna ku dheeraadeen xorriyadda Falastiin iyo sidii xal loogu gaari lahaa.