Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, oo ay hoggaamineysay Guddoomiyaha Guddiga Dr Maryam Qasim.
kulanka ayaa looga hadlay warbixin ku saabsan hawlaha iyo waajibaadka guddiga, iyadoo Guddoomiyuhu bogaadiyey dadaallada guddigu ugu jiro ilaalinta iyo horumarinta xuquuqul insaanka,
Guddoomiyaha ayaa ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqaynta hayโadaha Qaranka iyo sidoo kale in Guddiga howlaha uu qabto la wadaago Golaha Shacabka.












