Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska Ambassador Michael Nithavrianakis.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Danjire Nithavrianakis oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Baarlamaannada Soomaaliyo iyo kan Boqortooyada Ingiriiska, horumarinta shuruucda muhiimka u ah dalka, sida dib u eegista dastuurka KMG ah ee JFS, ladagaallanka kooxda Khawaarijta ah iyo taageerida xasilloonida deegaannada laga xorreeyay argagixisada.