Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la kulmey Madaxweyne kuxigeenka dalka Turkiga Fuat Oktay.
Labada masuul ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo xiojin lahaa xiriirka labada dal, wuxuuna Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahad celiyey kaalinta muuqato oo walaalaha Turkiga ay ka geesteen dib u dhiska dalka Soonaaliya.
Sidoo kale gudoomiyuhu wuxuu la kulmey Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Turkiga oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka Baarlamaanka labada dal.