Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Hambalyo U Diray Guddoonka Aqalka Sare Ee La Doortay… WARSAXAAFADEED

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Munaasabad lagu taageerayay guddoonka baarlamanka oo lagu qabtay Jiddah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxammad Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa u hambalyeeyey Guddoonka cusub ee Aqalka Sare ee maanta lagu doortay magaalada Muqdisho.

“hor iyo horaan aniga oo ku hadlaya magaceyga,magaca Guddoonka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa Guddoonka cusub ee Aqalka Sare ee maanta lagu doortay magaalada Muqdisho, waxaan Alle subxaanahu wa tacaalaa uga baryayaa in uu la garab galo xilka culus ee loo doortay , si gaar ah waxaan leeyahay Hambalyo maadaama aad noqoteen Guddoonkii ugu horeeyey ee loo doortay Aqal sare oo ay Soomaaliya yeelatay” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Guddoomiye Jawaari.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“tallaabada ay jaalleyaasha Aqalka sare ku doorteen Guddoonkooda oo ah Guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen waa mid ka mid ah calaamadaha kasii marqaati ka caya biseylka siyaasadeed iyo dimuqraadiyadeed ee ay Soomaaliya gaartay waxaana rajeynayaa in aynu si taxadar iyo isku duubni leh u abaarno howlaha na hor yaala ee ay naga sugayaan shacabka Soomaaliyeed”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

Ugu dambeyntii waxa uu Alle ka rajeeyey in uu u fududeeyo howlaha hor yaala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la isku yiraahdo labada Aqal waxaana uu si gaar ah uu rajo uga muujiyey wada shaqeynta uu Guddoonka Golaha Shacabka la yeelan doono Guddoonka Aqalka sare ee maanta la doortay.

—DHAMAAD—

Previous Post

R/wasaare ku-xigeenka dalka oo hambalyo u diray guddoonka cusub ee Aqalka Sare

Next Post

Madaxweyne Cosoble Oo U Hambalyeeyay Guddoonka Cusub Ee Aqalka Sare Ee La Doortay

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulamo la qaatay qeybaha bulshada ee gobolka Hiiraan

Madaxweyne Cosoble Oo U Hambalyeeyay Guddoonka Cusub Ee Aqalka Sare Ee La Doortay

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In