Friday, August 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka .Oo Ka Hadlay Qaraxii Shalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho “DAAWO”

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka .Oo Ka Hadlay Qaraxii Shalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho “DAAWO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa ka hadlay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana uu ugu horeyn tacsi u diray shacabkii ay eheladooda ku geeriyoodeen weerarkaasi bahalnimo isaga oo dhinaca kalena Alle uga baryay inta dhaawaca ah in uu caafimaad deg deg ah siiyo.

“waxaan hor iyo horaan ka codsanayaa Xildhibaannada Golaha  Shacabka iney gurmadaan oo waxa ugu yar oo ay sameynayaan uu yahay iney dhiigooda ugu deeqaan dadka dhaawac ah ee u baahan, sidoo kalena waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa iney gurmadaan dhammaantood, arrintan waa arin anaga oo dhan na saameysa ma ahan Xukuumadda kaliya in laga sugo waa inaan dhammaanteen gurmanaa si loo bad baadiyo dadka dhibaateysan”ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS.

Related posts

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026
Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu fariin u diray kooxaha ma naxayaasha ah ee falkan soo maleegay, sidoo kalena shacabka ayuu ugu baaqay iney muujiyaan isku duubni isaga oo dhinaca kale muujiyey in arintan Madaxweyne,Xukuumad,Gole Shacab iyo Aqal Sareba ay ka mideysan yihiin.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu amray guddiyada Amniga,maalliyadda iyo arrimaha dibadda iney kala shaqeeyaan Xukuumadda wax kasta uu gurmad loogu sameyn karo dadka Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu soo gaartay.

Previous Post

Madaxweynaha Turkiga Oo Amray In Diyaarado Gar gaar Caafimaad Sameeya Loo Diro Muqdisho

Next Post

TOOS U DAAWO:- Gurmadka Loo Sameynayo Shacabka Soomaaliyeed Ee Argigisadu Gumaaday

Next Post
Dhageyso Faah faahinta qaraxii galabta

TOOS U DAAWO:- Gurmadka Loo Sameynayo Shacabka Soomaaliyeed Ee Argigisadu Gumaaday

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
0

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa caawa munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya...

Golaha Wasiirrada XFS oo sixid ku sameeyay magacaabis hore

Golaha Wasiirrada XFS oo sixid ku sameeyay magacaabis hore

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeed, dhagaystayna warbixino muhiim ah, sidoo kalena sixid ku sameeyay magacaabis hore.

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In