Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay dib u curashadii Dalkeenna

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay dib u curashadii Dalkeenna
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay Bandhigga dib u currashada dhismihii Jamhuuriyadda Seddexaad ee dalkeenna 2000 ilaa iyo 2023-ka ee shirkii Carta.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Aqalka Sarre Mudane Cabdi Xaashi Cabdillahi, Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan XFS, Wafdi ka socday walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Saraakiil Ciidanka, Haween, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada waxaana lagu soo bandhigay Film Documentary ah oo ka hadlaya hannaanka dib u curashada qaranimada Soomaaliya, geedigaas oo magalada Carta kasoo bilowday 2000.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo munaasabada ka hadlay ayaa u mahadceliyay cidkasta oo ka qeyb qaadatay uruurinta Taariikhdan muga iyo misaanka ugu fadhida Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, wuxuuna ku boggaadiyey in arrintaas lagu ammaano Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele, isagoo tilmaamay doorkii shariifka ahaa ee uu ka qaatay shirkii dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed ee Carta iyo garab istaaga walaalnimo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo munaasabadda soo xirayey ayaa sidoo kale waxaa uu dul istaagay dagaalka lagula jiro Khawaariijta isagoo tilmaamay in qof walba uu kaalintiisa ka qaato sidii dalka looga ciribtiri lahaa arxan-laawayaasha baneystay dhiga Shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu xusay in fikirkan uu ka yimid dalal shisheeye laguna dhibaateeynaayo dadka Soomaaliyeed.







Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Xilli dhow Soomaaliya waxa ay noqon doontaa meel ka caagan argagixisada”

Next Post

Somali Parliament Speaker hosts Djibouti delegation in Mogadishu

Next Post
Somali Parliament Speaker hosts Djibouti delegation in Mogadishu

Somali Parliament Speaker hosts Djibouti delegation in Mogadishu

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In