Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Cabdinaasir Dalab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Cabdinaasir Dalab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Alle ha u naxriistee Jeneraal Cabdinaasir Maxamed (Dalab) oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Jeneraal Cabdinaasir Dalab ayaa ahaa sarkaal mudo dheer ka soo shaqeynaayay arrimaha ciidamada, isagoo ka soo qabtay xilal kala duwan kana soo qeyb qaatay dadaallada lagu dhisayey dowladnimada Soomaaliya iyo horumarinta ciidamada gaar ahaan Ciidanka Taraafikada Booliska Soomaaliyeed.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

“Innaa lillaah wa innaa ileehi raajicuun, anigoo ku hadlayo magaceyga iyo magaca guud ahaan Golaha Shacabka waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh ugu diraya ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxriistee Jeneraal Cabdinaasir Maxamed (Dalab) oo ka mid ahaa saraakiisha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo laf dhabar u ahaa howlaha Ciidanka”, ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa marxuumka Alle SWT uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo ehelkiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Previous Post

Xuska Maalinta Boostada Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo booqday xarunta Dhaqanka Soomaaliyeed ee Minnesota

Next Post
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo booqday xarunta Dhaqanka Soomaaliyeed ee Minnesota

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo booqday xarunta Dhaqanka Soomaaliyeed ee Minnesota

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In