Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jawaari

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Maxamed Sh. Cismaan Jawaari
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxriistee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Allaha ha u naxriistee Prof Jawaari uu ahaa shaqsi wakhti badan usoo huray dowladnimada Soomaaliyeed mudo aad u badanna Qaranka usoo adeegay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025

“Innaa lillaah wa innaa ileehi raajicuun illaahey ha u naxriisto Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waa uu ahaa oday iyo siyaasi cimrigiisa inta ugu badan kusoo qaatay u adeegida Qaranka Soomaaliyeed,sidoo kalena kaalin weyn ka qaatay dhisida dowladnimada Soomaaliya” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Allaha ha u naxriistee marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu Shacabka Soomaaliyeed ku dhex lahaa taariikh aan la iloobi doonin.

“Allaha ha u naxriistee Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa u ahaa siyaasi odaytinimadiisa Iyo aqoontiisaba inta badan cimrigiisa ugu soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed,waxa uu ummada Soomaaliyeed dhexdeeda ku lahaa taariikh mug weyn, Naftiisa iyo waqtigiisa inta ugu badan waxa uu u huray dib u dhiska dalka, waxa uu gacan weyn ka gaystay dib u qorida dastuurka dalka” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Alle uga baryay in uu janatul Fardowsa ka waraabiyo,dhamaan umadda Soomaaliyeedna uu samir Iyo iimaan ka siiyo.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyadeeyay geerida Maxamed Sh. Cismaan Jawaari

Next Post

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jawaari

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyadeeyay geerida Maxamed Sh. Cismaan Jawaari

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jawaari

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaatay Kaarka Cod-bixinta ee Guddiga Madaxa Bannaan...

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Abu Dubai kulama...

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA HOOSE): Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal amni ka fuliyay magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay la kulmay qaad kamid ah bulshada magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In