Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Mursal oo goordhow furay kulanka maanta ee Golaha Shacabka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa ka  tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cusmaan Cilmi Boqore oo ay gacan ka xaq daran ku dishay Magaaladda Muqdisho,waxaana uu Alle uga baryay in naxriista jano uu ka waraabiyo Ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeedna uu samir iimaan Eebe ka siiyo.

 

Related posts

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) oo shaaciyay liiska horjoogayaal lagu dilay hawlgalladii u dambeeyay

Ciidanka Hay’adda NISA oo war ka soo saaray hawlgallo qorshaysan oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

April 4, 2026
Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo kulamo kaga qaybgalay dalka Turkiga

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo kulamo kaga qaybgalay dalka Turkiga

April 4, 2026

“Innaa Lillaah Wa Innaa Illeehi raajicuun waxaan ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cusmaan Boqore oo ay gacan ka xaq daran dishay Rabi naxriistiisa haka waraabiyo ehelkiisa iyo guud ahaan umada Soomaaliyeedna Samir iimaan Allaha haka siiyo,” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Gudddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaanka uu ahaa  muwaadin jecel Dowladnimada Soomaaliya.

“Anigoo ku hadlayay magacayga iyo kan guud ahaan golaha Shacabka waxaan qirayaa Allaha ha u naxriistee marxuumka inuu ahaaa qof Cibaado badan,dadka mar walba wanaaga fara, qof dowaldnimada jecel iyo sidoo kale oday Soomaaliyeed oo ay ka go’antahay in Dalkeena uu horumar gaaro”ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa rajo ka muujiyay in hay’adaha ammaanka ay gacanta kusoo dhigi doonaan gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay Dilka Allaha u naxriistee Xildhibaanka ,wuxuuna hay’adaha ugu baaqay inay baaraan cidii ka dambeysay dilka Xildhibaana.

Ugu dambeyna waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay hay’adaha nabad galiyada kala shaqeeyaan sugida ammaanka.

Sidoo kale Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore oo ay kooxo arxan laabayaal ah ku dileen Magaaladda Muqdisho.

Previous Post

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) oo shaaciyay liiska horjoogayaal lagu dilay hawlgalladii u dambeeyay

Ciidanka Hay’adda NISA oo war ka soo saaray hawlgallo qorshaysan oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay Gobolka...

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo kulamo kaga qaybgalay dalka Turkiga

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo kulamo kaga qaybgalay dalka Turkiga

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Turkey):- Xoghayaha Joogtad ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Cabdulkadir Faarax, oo hoggaaminaya wafdi ka socda...

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

Hoggaamiyaha Kumeel gaarka ah ee KGS oo soo magacaabay agaasimaha guud ee Madaxtooyada

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Cali Cabdulaahi Isaaq u-magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada...

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(St.Petersburg-Russia):-Soomaaliya ayaa sanadkan waxa ay ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka. Maareeyaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In