Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo khudbad ka jeediyay shirka guud ee Baarlamaanka Suudaan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 30, 2017
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo khudbad ka jeediyay shirka guud ee Baarlamaanka Suudaan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Guud ee Golaha Baarlamaanka Dalka Suudaan oo uu shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka ayuu maanta qudbad ka jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo maalinkii Labaad ay ku suganhihiin magaalada Khartuum ee xarunta dalka Suudaan.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee JFS Soomaaliya ayaa qudbadiisa waxa uu ugu horeyn ugu mahadceliyay Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Suudaan, guddoonkooda iyo guud ahaan shacabka iyo dowladda Suudaan, waxaana sidoo kale uu ka hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Suudaan, sidoo kale  xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dal.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalkan Suudaan inuu booqasho rasmi ah uu ku yimaado Soomaaliya, sida uu gaba gabada kulanka uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Habdhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan “Nuux”.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa ayaa booqday Warshadda diyaaradaha sameysa ee ku taala magaalada Khartuum iyagoo halkaasi kula kulmay Madaxda xaruntaasi oo sidoo kale ay tababar ku qaataan ardayda Kuliyadda Injineerinimada barta ee Dalka wax ku barata.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha shacabka waxa uu xarunta Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Suudaan kula kulmay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibadda Suudaan oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriir labada dal.

Previous Post

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Xildhibaan Axmed Cashara

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In