Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray xarunta Hay’adda SoDMA “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 22, 2023
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray xarunta Hay’adda SoDMA “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kormeeray xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay madaxda SoDMA iyo agaasime waaxeedyada, ayaa waxaa uu warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Hay’adda mudane Maxamuud Macalin Cabdulle oo si kooban u sharxay waxyaabaha ay qabato Hay’adda. Guddoomiye Sheekh Aadan oo mid mid u dul istaagay xarunta saadaasha hawada iyo ka hortaga musiibooyinka dabiiciga ah, waxaana loo soo bandhigay muuqaalo ku saabsan waxqabadka sanadlaha ah ee Hay’adda Maareynta.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, oo la hadlay Warbaahinta ayaa ammaanay waxqabadka hay’adda, isagoo ugu hambalyeeyay mudadii sanadka aheyd ee hay’addu jirtay, waxaana uu xusay in waxbadan oo la taaban karo ay u qabteen shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu madaxda iyo howlwadeennada kula dardaarmay in ay xoojiyaan shaqada baaxadda leh ay u hayaan Qaranka. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in hay’addan dowladdu ay u leedahay muhiimad gaar ah.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyay kulan looga hadlayay xoojinta Amniga Caasimadda “SAWIRRO”

Next Post

R/W Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dagaalka ka dhanka ah argagixisada

Next Post
R/W Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dagaalka ka dhanka ah argagixisada

R/W Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dagaalka ka dhanka ah argagixisada

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In