Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray xarunta Qaran ee Howlgallada Gurmadka deg-degga ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray xarunta Qaran ee Howlgallada Gurmadka deg-degga ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kormeer ku tagay xarunta Qaran ee howlgalada gurmadka deg dega ah oo hoostagta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa halkaasi kulan kula qaatay maamulka iyo howlwadeenada hay’adda oo uu guddoomiyaha hay’adaasi hogaaminayo.

Ugu horeyn maamulka xarunta Qaran ee Howlgalada Gurmadka Degdega ah ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka la wadaagay warbixin ku saabsan waxqabadka xaruntan mudadii ay jirtay, sida ay uga jawaabtay xaalado badan oo wadanka soo maray iyo gurmadkii ay sameysay, sidoo kale waxa ay sharaxaad ka bixiyeen waxyeeladii ka dhalatay weerarkii Khawaariijta dhowaan ku qaaday Xeebta Liido ee Magaaladda Muqdisho iyo sida ay hay’adda uga jawaabtay.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ugu horeyn maamulka iyo howlwadeenada hay’adda SODMA ku amaanay howsha adag ee ay qaranka u hayaan isaga oo si gaar ah u tilmaamay howlwadeenada xarunta oo uu sheegay in ay dalkooda ay si nafhurnima ah ugu adeegayaan qarankoodana uu doorkaas qiimaha ku abaalmarin doono.

Sidoo kale guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in dhexdooda isku gurmadaan oo ay garab istaag u muujiyaan midka tabarta daran ee caawinta u baahan, sidoo kalena garab istaag u muujiyaan geesiyaasha qaranka Soomaaliyeed ee duurka ugu jira sidii Khawaariijta dalka looga ciribtiri lahaa dalka,si gurmad loo gaarsiiyo guud dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Golaha Shacabka uu kaalintiisa ka qaadan doono gurmad walba oo dadka Soomaaliyeed loo sameynayo.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa kormeeray dhamaan xafiisyada iyo qeybaha ay xaruntan ka koobantahay oo ay ka socotay howlo qaranka loogu adeegayo.

Previous Post

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay Gaalkacyo

Next Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kimikooyinka Beeraha

Next Post
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kimikooyinka Beeraha

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kimikooyinka Beeraha

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In