Tuesday, July 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay Gaalkacyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 10, 2024
in Wararka
0
Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo isugu jiray soo dhaweyn iyo kala warqaadasho la xariirta halka ay marayaan dadaallada la xariira Nabadeynta Beelaha Colaaddu ka dhax jirtay Muddooyinkii u danbeeyay ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo ku yeeshay Masuuliyiin ka tirsan Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Puntland

Kulanka oo ujeedkiisa ugu weyn uu ahaa soo dhaweyn loo sameeyay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Siciid Qoorsheel ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Baarlaanada Galmudug iyo Puntland, Mas’uuliyiin Heer Gobal iyo Heer Dagmo Odayaasha Dhaqanka iyo Xubno ka socday Ururada Haweenka iyo Dhallinyarada Gobalka Mudug ee Galmudug

Related posts

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

June 30, 2025
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

June 30, 2025

Duqa Dagmada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo ugu horeyn ka hadlay ujeedka kulanka soo dhaweynta ah ee ay u sameeyeen Masuuliyiinta Dowlad Gobaleedka Puntland eeuu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Siciid Qoorsheel ayaa sheegay in kulanka uu soo agaasimay Maamulka Dagmada Gaalkacyo ee Galmudug ujeedkiisuna yahay Muujinta Wada shaqeynta Maamulada Dagmada Gaalkacyo iyo Hogaanka labada Dowlad Gobaleed

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay qaar ka mida Waxgaradkii iyo Xubnihii ka socday Ururada Bulshada kuwaas oo sheegay in kulankaan uu yahay mid muujinaya wada shaqeynta Labada Dowlad Gobaleed ee ka shaqeynta Nabadda Gobalka Mudug

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa kulanka ka sheegay dadaaladii loo galay Joojinta Colaadii ka jirtay Galbeedka Gobalka Mudug iyagoo tilmaamay in haatan ay meel fiican mareeyso balse loo baahan yahay in lasii dhameeystiro qodabada dhiman

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Siciid Qoorsheel ayaa ugu danbeyn ka mahad celiyay soo dhaweynta loo sameeyay isagoo ugu baaqay Bulshada Gobalka Mudug inay sii xoojiyaan Nabadda Gobalka Mudug

 





Previous Post

Haweenka Qaranka Soomaaliyeed “HOOYO U HIILI QARANKA”

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray xarunta Qaran ee Howlgallada Gurmadka deg-degga ah

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray xarunta Qaran ee Howlgallada Gurmadka deg-degga ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray xarunta Qaran ee Howlgallada Gurmadka deg-degga ah

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

June 30, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay Meertada 7aad ee...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

June 30, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Guddiga...

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

June 30, 2025
0

Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka u magacaabey Mudane Wali...

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

June 30, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In