Tuesday, August 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Danjireyaasha dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Danjireyaasha dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa kulan la qaatay Wakiilo Ka Kala Socday UN, USA Iyo safiirada dalalka La isku yiraahdo Copenhegan Group oo ah safiirada dalalka saaxiibka dhow la ah Soomaaliya,waxaana kulanka looga hadlayay Doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan Marka la gaaro sanadka 2020-ka.

Safiirada ayaa ku amaanay Baarlamaanka Soomaaliya howlaha ay hayaan ee la xiriira Arrimaha Doorashooyinka gaar ahaan sameynta sharciyada muhiimka u ah Doorashooyinka Dalka,Sidoo kalena waxa ay amaaneen horumarada kala duwan ee ay gaartay Dowlad Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

August 25, 2026
Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay Kulanka iyo qodobadii kasoo baxay.

“Waa markii 3aad oo uu shirka nuucaan dhaco, waxaana la iska wareystaa arrimaha dalka taagan, Ajandaha ugu weyn waxa ay ahayd doorashada nagu soo fool leh u diyaar garowgiisa, waxa ay aad ugu hambalyeeyeen Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Xukuumadda sida ay u soo diyaareen sharciga doorashooyinka, waxaa la iska xogareysanayay diyaar garowga doorashada, qoondada haweenka iyo sidii loo asteyn lahaa meelaha laga codeynayo”.ayuu yiri Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.

Previous Post

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo xarun 2aad ka hirgelisay Degmada C/casiis

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhegeyso: Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

August 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Isku-xirka Ganacsiga...

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku qaabilay Ruth...

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

August 25, 2026
0

Shirweynaha Xiriirinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay, iyadoo ay ka qeybgalayaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In