Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa la kulmay Guddi xaqiiq raadin ah oo uu soo magcaabeyย Madaxweynaha koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) dhibaatadii ka dhacadey magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ee dowlad goboleedka Galmudug, taas oo lagu laayey dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Gudigaan oo uu horkacayey Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo ay ka mid yihiin Xildhibaanno, salaadiin iyo malaaqyo oo ka soo jeedo Koonfur Galbeed .