Tuesday, July 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Beeraha oo qabatay shir looga hadlayay natiijadii ka soo baxday bandhigga dalagyada beeraha ee lagu qabtay Talyaaniga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 19, 2019
in Wararka
0
Wasaaradda Beeraha oo qabatay shir looga hadlayay natiijadii ka soo baxday bandhigga dalagyada beeraha ee lagu qabtay Talyaaniga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan oo  ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyen Wasaaradda Beeraha Soomaaliya , Hey’adda horumarinta Warshadaha ee Qaramada Midoobay oo marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan (UNIDO) iyo Hey’adda Deeq bixinta ee Talyaaniga ee (AICS), ayaa waxa uu daba socda bandhigga dalagyada Beeraha oo  ka dhacay dalka Talyaaniga oo ay shirkado khudaarta ka shaqeeya iyo beeraleey Soomaaliyeed oo ay dirtay Wasaaradda Beeraha Soomaaliya, kusoo bandhigeen khudaarta noocyadeeda kala duwan, taas oo soo jiidatay  Dalalkii ka qeyb galay bandhigga.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha Soomaaliya, Wasiirka Beeraha Maamul Goboleedka Putland, Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, wakiilo ka socday hey’addaha UNIDO iyo AICS  iyo shirkadaha iyo beeraleyda Soomaaliyeed ee ka  qeyb galay bandhigga ayaa kulanka isku weedaarsaday faa’iidooyinkii laga dhaxlay bandhigga iyo sida ugu haboon ee lagu horumarin karo wax soo saarka dalka loona heli karo suuqyo caalamiya oo ay beeraleyda Soomaaliyeed ka faa’iideystaan.

Related posts

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

June 30, 2025
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

June 30, 2025

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha Soomaaliya Mudane Xaamud Cali Xasan ayaa sheegay in shirkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay horumarinta Wax soo saarka beeraha dalka.

Wasiirka Deegaanka iyo Beeraha Putland Ismaaciil Diiriye Gamaadiid oo qeyb ka ahaa mas’uuliyiintii ka qeyb galay bandhigga ayaa bidhaamiyey in aad loogu helay wixii ay Soomaaliya halkaasi kusoo bandhigtay, isagoo beeraleyda Soomaaliyeed ugu baaqay inay sare u qaadaan wax soo saarka dalagyada kala duwan ee beeraha, kana faa’iideystaan fursadaha maalgeshiga ah.

Qaar kamida shirkadaha iyo Beeraleyda Soomaaliyeed ee ka qeyb galay bandhigga ayaa si wada jir ah u qiray in tani ay u tahay tallaabo dhiiri gelin ah, iyagoo u mahadceliyay Wasaaradda Beeraha Soomaaliya.

 

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay guddi xaqiiqo raadin oo ka socda Koonfurgalbeed

Next Post

Akhriso Khudbadii Wasiirka Xanaananda Xoolaha ee shirka Ansixinta Istaraatiijiyadda Horumarinta Xoolaha

Next Post
Akhriso Khudbadii Wasiirka Xanaananda Xoolaha ee shirka Ansixinta Istaraatiijiyadda Horumarinta Xoolaha

Akhriso Khudbadii Wasiirka Xanaananda Xoolaha ee shirka Ansixinta Istaraatiijiyadda Horumarinta Xoolaha

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

June 30, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay Meertada 7aad ee...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

June 30, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Guddiga...

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

June 30, 2025
0

Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka u magacaabey Mudane Wali...

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

June 30, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In