Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday uga tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya.
“Innaa lillaah wa innaa Illeehi raajicuun Waxaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskiisa iyo eheladiisa uga tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha ha u naxriistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdii Maxamed oo ku geeriyooday Magaaladda Nairobi, marxuumka Illaahey janatul fardowsa haka waraabiyo, guud ahaan Shacabka Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskiisa iyo qaraabadiisana samir iimaan Allaha haka siiyo” ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Mursal.
Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka mar uu ka hadlay doorkii Allaha ha u naxriistee Madaxweyne Cali Mahdi uu ku lahaa dhisida dowladnimada Soomaaliya waxa uu yiri ”Illaahey ha u naxriistee Madaxweyne Cali Mahdi waxa uu kaalin weyn ku lahaa dib u yagleelida Dowladnimada Soomaaliya gaar ahaan shirarkii dib u heshiisiinta,waxaana uu ahaa oday Soomaaliyeed oo nabadaynta Soomaaliyeed kaalin weyn ku lahaa rabi ha u naxriisto”
Allaha ha u naxriistee Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed waxa uu sanadka markii uu ahaa 1938-dii uu ku Dhashay tuulada Caddoow-uul oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, Waxaana uu waxbarashadiisa ku qaatay Magaaladda Muqdish,isagoo Sidoo kale waxbarasho u aaday Dalka Masar.
Waxa uu ahaa sanadkii 1969-kii Xubin ka noqday Baarlamaankii Soomaaliya ee xiligaas jiray,maanta ayuu ku geeriyooday Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya.
“إنا لله وإنا إليه راجعون”