Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Shir Guddoomiyay kulanka Guddiyada Joogtada GSH iyo Golaha Wakiilada Puntland

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 23, 2017
in Wararka
0
Gudiga joogtada ah ee golaha shacabka oo maanta shiray kana hadlay go’aanki xukuumadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa waxaa maanta kulan ku yeeshay Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka JFS iyo Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiilada ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxaana kulanka shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaana kulanka ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay wada shaqeynta golayaasha sharci dejinta ah, waxaana Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka furitaankiisa ka hadlay uu sheegay golayaasha sharci dejinta ay saarantahay mas’uuliyad gaar ah maadaamaa shacabka ay metelaan.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Dowladda Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in ka Puntland ahaan ay dhiyaar u yihiin in la horumariyo Hay’adaha sharci dejinta ee Dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in waxyaabaha loobahanyahay in xooga la saaro ay tahay kala saarista awoodaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo arrimaha dhameystirka Dastuurka, taasina ay ku imaan karto in wada shaqeyn dhow ay yeeshaan Golayaasha sharci dejinta ee Dalka.

Geba gabada kaddib ayaa xoghayaha guud ee golaha shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux waxa uu Warbaahinta Qaranka u sheegay in uu guul ku soo dhamaaday kulanka ajendihiisa uu ahaa la kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiilada Puntland.

Previous Post

Wasiir ku-xigeenka Howlaha guud oo kormeeray Waddada Jeneraal Daa’uud “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiye Taabit oo ku guuleystay in caafimaad dibadda ah uu u diro Faai’so oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhaawac uu soo gaaray “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye Taabit oo ku guuleystay in caafimaad dibadda ah uu u diro Faai’so oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhaawac uu soo gaaray “SAWIRRO”

Guddoomiye Taabit oo ku guuleystay in caafimaad dibadda ah uu u diro Faai’so oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhaawac uu soo gaaray "SAWIRRO"

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In