Doorashada Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa maanta ka dhacday hoolka doorashada ee xarunta Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ee Afisyooni lagu doortay,Waxaana ku tartamayay labo qof oo kala ah Maxamed Cawil Warsame iyo Mustaf Macalin Cali oo markii dambe tanaasulay.
21- ka Xubnood ee Guddiga Doorashada Xallinta Khilaafaadka, Xubno ka socda Guddiga Doorashada Heer Federaal, FEIT, kuwa heer maamul goballeed ee SEIT ayaa goob joog ka ahaa goobta doorashada.Xubnaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo ka kooban 21 xubnood ayaa u codeeyay Maxamed Cawil Warsame inuu noqdo Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban.
Dadka goobta hadalka ka jeediyay waxaa ka mid ah Laylo Cabdullaahi oo ka tirsan kor joogtada Bulshada Rayidka, Afhayeenka Guddiga Xallinta Khilaafaadka kuwaas oo kula dardaarmay inuu si hufan oo cadaalad iyo sinaan ku dheehan uga shaqeeyo doorashada.
Maxamed Cawil Warsame oo ugu dambeyntii hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu ambaqaadi doono hufnaanta shaqada iyo wadashaqeynta Guddiyada Doorashada xubnaha.